|

Xog Tilmaameysa in Saanada Amisom La Soo Marsiin Doono Garoomada Berbera iyo Hargeysa

www.buhodlepost.com Sida ay tilmaameyaaan warar hoose oo ku dhow saraakiisha Qaramada Midoobay waxaa dhowaan la qorsheynayaa sidii saanada iyo taageerada dhinaca logistikada ee ku wajahan ciidanka Afrika (AMISOM) ee ku sugan Muqdisho loo soo marsiin lahaa garoomada diyaaradaha iyo dekedaha mamulka waqooyi galbeed Somalia.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada AMISOM ee loo soo gaabiyo (UNSOA) ayaa ku hawlan haatan sidii ay kormeer ugu bixin lahaayeen garoomada diyaaradaha Hargeysa iyo dekeda Berbera ay u noqon karaan meel ay caga dhigan karaan diyaaradaha iyo maraakiibta logistikada ee loogu talagalay ciidamada AMISOM.

Warar aan ka heleyno ilo wareedyo ku sugan Hargeysa ayaa sheegaya in maalinta Isniinta (8-Nov-2010) lagu wado in wafdi ka socda xafiiska Qaramada Midoobay ee u qaabilsan taageerada AMISOM (UNSOA) iyo hay’ada duulimaadyada ee Qaramada Midobay (ICAO) ay booqasho ku tagaan magaalada Hargeysa.

Booqashadan ayaa la xiriirta kormeer xubnaha ka socda labadaasi hay’adood ay ku sameyn doonaan garoomada Hargeysa iyo Burco iyo sidoo kale dekeda Berbera, halkaasi oo lagu wado inay noqdaan marinka ugu weyn ee taageerada loo soo marsiin doono ciidanka AMISOM.

Taageerada logistikada ee la siiyo AMISOM waxaa haatan la soo marsiiyaa dekeda Mombassa ee dalka Kenya iyo garoonka Entebbe ee dalka Uganda, balse waxaa halkaasi loo arkaa inay aad uga durugsan yihiin Soomaaliya.

Sidoo kale dekeda iyo garoonka magaalada Muqdisho oo inta badan ay adeegsadaan AMISOM ayaa saraakiisha Qaramada Midoobay u arkaan inuu halistooda leeyihiin maadaama ay mararka qaar soo gaaraan  madaafiicda ay soo tuuraan kooxaha mucaaradka ah.

Sida lagu sheegay baaqii bishii hore ka soo baxay kulankii madaxda Midowga Afrika (AU) waxaa la rajeynayaa in Qaramada Midoobay ay la wareegto qeyb ahaan hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee ay ciidamada Afrikanka ka wadaan gudaha Soomaaliya. Arintaas oo la hawlgali doonta bisha February oo la rajeynayo n tirada ciidamada AMISOM la gaarsiiyo 20,000.

Xaafiiska UNSOA oo Qaramada Midoobay u xilsaartay taageerada AMISOM ayaa haatan ku hawlan sidii loo diyaarin lahaa garoomo iyo dekedo amaan ah oo taageerada logistikada loo marsiin karo ciidamada AMISOM.

Ma cadda in maamulka hadda ka arimiya Somaliland uu aqbali doono qorshahan ka yimid Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee ku wajahan inay isticmaalaan garoomada degaankaasi, walow la ogsoon yahay in maamulka Somaliland aanu aqoonsaneyn DKMG Soomaaliya oo ay ciidanka AMISOM ilaaliyaan. 

Arintan ayaa sidoo kale shaki ku abuurtay dadka ku nool waqooyi galbeed somalia iyadoo ay soo bexeen tuhuno hoose oo sheegaya in ciidamada 20,000 gaaraya ee la keenayo dalka qeyb ka mid ah ay ka hawlgeli doonaan waqooyi gabeed, iyo waqooyi bari, iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Dekeda Berbera oo ay horey u dhiseen Midowgii Sofiyet ayaa ah deked weyn oo ay ku soo xiran karaan maraakiibta waaweyn ee shixnadaha xambaara, Waxaana haddii qorshan uu hirgalo ay dhaqaale xoogan soo gelin kartaa dekedaasi.

Dowlada Soomaaliya oo la tacaaleysa xoogaga mucaaradka ee ka soo horjeeda ayaa maamusha 4 degmo oo ka mid ah magaalada Muwdisho oo kaliya, waxaana aad u adag in goobahaasi ay si wanaagsan uga hawlgalaan diyaaradaha iyo maraakiibta waaweyn.

xafiska warqabadka buhodlepost ee

malaysia

Fikrad Ka Dhiibo