maamulka puntland oo shaki ka muujiyey xidhiidhka dkmg ka ah iyo Puntland


Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed {Farmaajo} ayaa Xalay ku dhawaaqay golihiisa wasiirada cusub ee Xukuumadda KMG, kuwaas oo ka kooban 18-wasiir, waxayna kala yihiin magacyadooda, xilalkooda iyo qabiiladooda sida tan:-
1. Cadullaahi Ebyan Nuur Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta {Dir, Biyo maal}.
2. Maxamed Cabdullaahi Oomaar Ra’isul-Wasaare ku xigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda {Dir, Isaaq, Habar Awal}
3. Cabdulxakiim Maxamuud Xaaji Fiqi Ra’isul Wasaare ku xigeen Wasiirka Gaashaandhigga {Raxaweyn, Digil, Dabare}.
4. Porf. C/weli Maxamed Cali Ra’isul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga {Daarood, Majeerteen, Cumar Maxamuud}.
5. C/shakuur Sheekh Xasan Faarax Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka {Hawiye, Habar gidir, Ceyr}.
6. Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta {Daarood, Ogaadeen, Cowlyahan}.
7. Drs. Maryama Qaasim Axmed Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska {Beesha 5-aad, Baandiri}.
8. Yuusuf Macalin Amiin {Baadiyow} Wasiirka Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha {Raxaweyn, Mirifle, Liisaan}.
9. Dr. Aaden Xaaji Ibraahim Da’uud Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada {Beesha 5-aad, Jareer weyne}.
10. C/kariin Xasan Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta {Daarood, Dhubahate,Axmed Garaad, Cali Geri}.
11. C/nuur Macallin Maxamuud Wasiirka Arrimaha Bulshada, Shaqada & Horumarinta Shaqaalaha {Dhallinyarada iyo Isboortiga {Dir, Surre}.
12. Dr. Maxamed Macallin Xasan Maxamed Wasiirka Kalluumeysiga, Bey’adda iyo Kheyraadka Badda {Hawiye, Murusade}.
13. Axmed C/raxmaan Abaade Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka badda, cirka iyo Dhulka {Dir, Isaaq, Habar Yoonis}.
14. Maxamuud Maxamed Boonow Wasiirka Dastuurka, Federaalka & Dib u heshiisiinta Mirifle {Raxaweyn, Mirifle Hadme}.
15. C/rashiid Khaliif Xaashi Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska {Daarood, leelkase}.
16. C/risaaq Sheekh Muxyadiin Wasiirka Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka {Raxaweyn, Mirifle, Eelaay}.
17. C/nuur Sheekh Maxamed Wasiirka Waxbarashada, Hiddaaha iyo Tacliinta Sare {Hawiye, Xawaadle}.
18. Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim {Garweyne} Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha {Hawiye, Gaaljecel, (Abti-Same.)
Dhinaca kale Madaxweyanah dowladda KMG Soomaaliya oo ka hadlay munaasabaddii lagu magacaabay wasiirada cusub ee dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday xildhibaanada Baarlamaanka KMG inay codka kalsoonida siiyaan wasiirada cusub, si ay u gutaan howsha adag ee hortaala.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in wasiirada cusub ay sugayaan dad muddo dhibaato ku jiray kuwaasi uu carabka ku dhuftay inay ka sugayaan inay samata bixiyaan, waxaana uu sheegay inuu ku rajo weynyahay in talaabadaasi ay qaadaan.
Maamulka Puntland ayaa iyana walaacka muujiyey xidhiidhka dawlada federaalka iyo maamulka puntland inuu qarka u saaranyahay burbur,marar badan ayaa madaxweynaha maamulka puntland C/raxmaan Faroole ka dhawaajiyey inuu san taageerayn xukumada TFG hadii aan Ra’iisal wasaaraha laga soo xulin gobalada puntland,isagoo taas uga jeeda in la soo maga caabo shakhsi ka soo jeeda liiqa waqooyi bari oo ah gabalada hormuud ka ah maamulka Puntland.
Waxyarka dib magacaabistii golaha wasiirada ee dawlada Somalia ayaa maamulka Puntland soo saaray Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga Puntland Dr.Daud Maxamed Cumar, Wasiirka Maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashan iyo Wasiiru dowlaha Wasaarada qorsheynta iyo Xirrirka caalamiga C/qaadir Cabdi Xaashi.
Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Dawladda Puntland ayaa sheegay in warsaxaafadeedka ay soo saartay Puntland uu ka kooban yahay lix qodob kuwaasi oo kala ah;
1.Puntland waxay ka wal wal qabtaa fulin la,aanta heshiiskii Gaalkacyo ee 23/August/2009 lagu gaarey.
2.Puntland waxay ka walwalsan tahay rabitaan la,aanta ay ka caga jiidayso dastuurka qabyada ah ee Dawladda Federaalka.
3.Puntland waxay ka argagaxsan tahay khilaafka soo noqnoqday ee Dawladda Federaalka, isla Madaxweyne Shariif uu udub dhexaad ka yahay taasi oo khal khal galinaysa wax ku oolnimada Dawladda Federaalka.
4.Dawladda Puntland waxay si aada uga walwalsan tahay Dhaqanka khariban ee DKMG ah ay kula dhaqanto Puntland marka laga hadlaayo arimaha horumarka ee la xiriirra masraxa diblumaasiyadeed, iyagoo had iyo jeer u cago jugleeya saraakiisha sar sare oo u shaqeeya hayadaha caalamiga ah iyo diblomaasiyiin oo sir ahaan kasoo jeeda Puntland.
5.Dowlada Puntland waxay aad uga xuntahay warbixintii wakiilka Madaxweynaha Soomaaliya ee wadanka Maraykanka uu ku qoray Wargays ka soo baxa magaalada Washington (Huffington Post) 05/November/2010 oo ku saabsan isbedelka siyaasadeed ee Dawlada Maraykanka ee ku aadan in ay si toosa ula shaqaynayso maamulada ka jira dalka Soomaaliya.
6.Dawlada Puntland waxay wal wal ka muujinaysa taageerada iyo marti galinta shaqsiyaad ehel u ah kuna haminaaya in ay khal khal galiyaan amaanka mandaqada oo dhan.
Mar la waydiisay Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka sababta Puntland ay u daba jooogto hirgalinta dastuur la sheegay in ay hayado shisheeye qoritaankiisa ay gacan ku lahaayeen ayaa waxaa u sheegay in hayadaha shisheeye ay gacan ka gaysteen maalgalinta dastuurka, hase yeeshee ay qoritaana iyo isku daba ridka dastuurkaasi dadka gacanta ku haya ay yihiin Soomaali.
Sababta Puntland ay uga hadasho inta badan hirgalinta dastuurkaasina ayaa waxaa uu ku sheegay in ay ku jaan goan tahay in dalka uu ku socdo hannaanka nidaamka Federaalka.
Mar uu ka jawaabayay suaal ku aadanayd maadama qodobka lixaad uu ka hadlayo amaanka Puntland, maxaa kala galay amaanka Puntland iyo Federaalka ayaa waxaa u sheegay in cid kasta oo isku dayda in ay hadal iyo qaab hubaysan ku khalkhal galisa Puntland in ay Dawladda Federaalka ay si toos ah u birigeeyaan.
sida la sheegayo khilaafka u dhexeeya Mr.Faroole iyo Shiriif Axmed waa mid ballaadhan oo ay ku weheliyaan shiriif Sakiin iyo xubno ka mid ah baarlamaanka iyagoo u diyaar garowaya sidii ay baarlamaanka uga dhaadhicin lahaayeen inaan la ansixin xukumada cusub ee Farmaajo.
buhodlepost.com
soomaaliyey qaylada joojiya dowladda ha lala shaqeeyo haddii kale waligeen qaxootinimo kama baxaysaan haddii aan la sabrin ama la kala roonaan rajo iyo raxmad ilaahay midna ma helaynno qabiil waa soo aragnay hadduu faaido leeyahay dowladnimana sidoo kale waa soo aragnay ee kala doorta middii idinla fiican