MAQAAL: ENG MAXAMUD CAYDIID DIRIIR:HABAR DHALIWAYDAY ALEELO KU WAALATAY
HABAR DHALIWAYDAY ALEELO KU WAALATAY
Mahada ILLAHAY baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenii Suubanaa korkiisa ha ahaato.
Waxaa dhowrkii maal mood ee ugu danbeeyey dhegihiina ku soo dhacayey kooxdii Nairobi oo u diga rogatay Galmud, Muqdisho IWM.Mareegaha warka qulubka lihi qawlka u noqday waxay qoreen in kooxdan Suuf Aloolka ahi ay casuumad ka heleen Ra’iisal wasaaraha DKM Mudane Maxamed Cabdillahi Farmaajo. Ra’iisal wasaaaraha ay ku furan tahay shaxda laba aflayda ah ee xildhibaanada DKM ahi wax martiqaad ah uma fidin nimankan isbeen fariimaya, Mudane farmaajo wuxuu mashquul ku yahay dhisida dawladiisa kuwanina waxba kuma soo kordhinkaraan sumcad xumo ay u kordhiyaan mooyaane, waxaase ka sii yaab badan waxaa garoonka kaga hortegay Ra’iisal wasaaraha arintaas oo caqliga caafimaadka qabaa aanu yeelikarin Muqdisho maaha meel nabad ah oo nin madax ahi si sahal ah uga bixikaro madaxtooyada, kaarayaasha ilaalada Afrikaanka ee u diiday xildhibaanadii shirayey shirkoodii yeelimaayaan kooxdan lunsan in ay ku miineeyaan Ra’iisal wasaare(Libaax nimaan aqoon baa lax ka rita) inamada yar yar e qoraya Ra’iisal wasaaraa kooxdii Nairobi soo dhoweeyey wax fekred ahba kama haystaan xamar iyo waxa ka jira malaha Buuhoodle oo dumarka iyo caruurtu soo baxeen bay u qaateen(bishii May).
Kooxdani cidna ma metelaan buuhoodlena dhagax baa lagaga saaray, waatii aad daawateen sawiradii khusuusida iyo baaqii ay ka soo saareen in ay kalsoonidii kala noqdeen kooxdan fashilantay, waxay xamar u aadeena waa in ay helaan meel warma qabto ah oo ay ayaamo kaga qadhaabtaan SSC baanu metelaa. Hore waxay kooxdani ugu hungoobeen IN in ay xilal ka helaan Somalidiidka, Puntland hadana waxay ku guul daraysteen SSC markaa maanta waxaa laga raadinayaa DKM.
Kooxdani ceeb iyo sumcad xumo joogto ah bay ku hayaan shacabka SSC , Dhaqan ahaan, Diin ahaan, Aqoon ahaan iyo talo ahaanba, ma aha talaqabeen cid metelikara cidina wakiilan karto, sidaa daraadeed shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo uu joogo waxaan uga digayaa in fagaarayaasha laga ilaashado si aanay sumcada idiinka xumayn oo ay daan beri u odhan nimanka maxay tolkood noogu qariyeen.
Waadan Maarmine Meeqa Jeer Baan Meesha Kaa Diray;
Shacabka SSC iyo Isimadiisuba in badan bay u seeto dheereeyeen kooxdan oo ay afka ka daboosheen dib looga aamusimaayo sidaa buuhoodle dhagaxa loogaga saaray baa meeshii ay yimaadaanba weji xumo uga soo horeysaa, in badan bay qurba joogtu idin yiraahdeen kaadibadane waa loo gogolbadiyaa oo ay dhaaqle xisaabla’aan ah idinku daldaleen, beentii isa soo gurtay meel danbe oo aad ku gabataan mahadhin midabkiinii runta ahaa maantaad la soo baxdeen oo shacabku idin arkay aniguse beri hore baan idin ogaaday.Kooxdan oo in badan ku taamaysay in ay mar uun helaan magac ay ku qadhaabtaan meeshii Soomaaliyi isugu imanayso oo ay yidhaahdaan SSC baanu metelaa waxay ka dhabeeyeeen waxay midabkoodii runta ahaa ee aan in badan uga digay Shaabka SSC in aanay ku dagmin beenta iyo beerla xawsiga aan caloosha jirin, khasab bay ku noqotay markii ay ku noolaan kariwaayeen Buuhoole, Dharkayn iyo Saaxdheer midna iyaga oo ka faa’iidaysanaya xaalada isbedel ee ka socota xamar bay waxma garatada ay indha sarcaadiyaan ugu sheekeeyeen xamar baa nalooga yeedhay.
Habar dhali wayday Aleelo ku waalatay markii ay ku hung oobeen, ku guuldaraysteen SSC dhexdeeda ayaa masaakinnta Ahad walba muriyadaha iyo silsiladaha lag xaraashto waxay ugu sheekeeyeen xamar baa nalooga yeedhay, markay widhwidh cadowgii SSC gacanta u geliyeen, markay Buuhoodle dadkeedii kala dileen, markay Ahmed Garaad Garaado aanay ku caano shuban iyagu u sameeyeen, markay hantidii $500,000 intaa le’ekayd lunsadeen xisaabtana ka beqeen hadii la eryey in SSC u qaansheegato waxay dantu ku khsabtay in ay is been fariimaan oo cararaan, markii ay kala direen oo burburiyee 2000 ee naftii hure ee u soo diyaargaroobay in ay dalkooda nacabka ka dhiciyaan, markii gaadiidkii SSC shacabkeedu u iibsaday in dalka lagu xoreeyo cadowgii ummada gacanta loo geliyey door bay bideen in ay dalwaan, markii shacabku ku baraarugay dibindaabyadoodii door bay bideen in ay diga rogtaan.
Hal xaaraan ahi Nirig Xalaal ah ma Dhasho;
Shirkii kooxdan lagu sameeyey waxaa ka qayb galay 47 qof oo badan kooda laga ururiyey Nairobi xubin keliya oo dadkii shirkaa ka qayb galay oo cidi soo wakiilatay majirin aan ka ahayn 5 xubnood oo NSUM ka socday sidaa daraadeed marka horeba asalkiisaa Xaaraan ahaa, waxaana soo abaabushay ragan maanta sheeganaya in xamar lagu casumay waxa ay maalintaa u xuslinayeena waxay ahayd in ay maalin uun helaan magac aan wax qabad lahayn oo ay ku qadhaabtaan.
Waa lagu digtaa Ruux haduu Kuu Daraan Jiraye Bal Dayaay Wadaadkii Waa Kaa Sii Dabayshadaye
Waa ALLE mahadii Buuhoodle oo aan cadow gaanta u gelin hadii kooxdii Suuf Aloolka ahayd ka huleeshay
Nimaan Xishoonayn Dagaal Xeeli Kama Hayso
Kooxdani waxay sheegteen in ay SSC metelayaan waxaaanay ka kooban yihiin Isimo iyo rag siyaasiyiin isku magacaabay intaba, lagaray siyaasiga sixun u socdka ahi wuxuu galaa meeshii kasta oo waxa uu doonayaa galaan, isimka doonaya in uu magac isimnimo ixtiraam ku helo talo rag kala dhexaysana guntiga gashaday muxuu Rag ka damacay?
Hadii isimadii kale beri baaq soo saaraan ay leeyihiin anagu wax isimo ah oo aanu meel u dirsanay iyo talo aanu iskaga ogayn midna majirtee isimku hawl u gaar ah buu wataa anagana waxba nagama khuseeyaan waxa uu samaynayo saw maaha arin ay daw u leeyihiin.
Guul iyo Gobanimo
Eng.Maxamud Caydiid Dirir
XAFISKA WARARKA BUHODLEPOST MALAYSIA