|

Lamaanihi Britishka Oo Gaarey Magaalada Nairobi

Lamaanihi Britishka Paul iyo Rachel Chandler ee maanta dib u helay xorriyadooda kadib hal sano iyo dheeraad afduub ahaan u haysteen kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ayaa caawa gaarey magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Diyaarad gaar ah oo waday lamaanahan ayaa kasoo qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho galabnimadii maanta,waxaana ay ka degeen fiidnimadii caawa garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta halkaas oo lagu soo dhoweeyey.

Lamaanaha Britishka ayaa waxaa ay xarunta madaxtooyada magaalada Muqdisho kula kulmeen madaxda Dawladda Federaalka sida Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheikh Aadan iyo Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana masuuliyinta Dawladda ay sheegeen in ay ka xumaayeen afduubkooda ayna ka qayb qaateen sii deyntooda.

Dowlada Federaalka ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka qaadatay siideynta lamaanaha reer Britain, ayadoo ay jiraan warar sheegaya lacago ay DFKMG ku bixisey siideynta labadan qof, horey ayey u jireen wadahadalo dhexmaray Dowlada UK iyo Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed oo ku aadanaa siideynta lamaanaha.

Dowlada Britain ayaa ayadu diiday in ay wax wadahadal ah la gasho burcad badeeda, ayadoo sheegtay inaysan la hadlin kooxaha falaagada ah iyo kuwa argagaxisada ah, balse waxaa jiray dadaalo hoose oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo soo siideynta Paul iyo Rachel.

Illaa iyo hada si rasmi ah looma shaacin lacag lasiiyey burcad badeeda, balse waxaa la rumeysan yahay inay ka badan tahay $ 1 Milyan oo dollar, ayadoo lacagtaasi qeyb kamid ah ay iska soo aruuriyeen dad ku sugan dalka England oo ay ku jiraan Jaaliyadda Soomaalida.

Fikrad Ka Dhiibo