Waran kugu soo noqon doona lama tuuro
Iyadoo markii horeba laga yaabban yahay waqtiga ay Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Hogaankii SSC ay socdaalka dheer ugu anbabaxeen Magaalo madaxda Soomaaliya, ee Xamar, dadka qaarkoodna isweydiinayaan sharcinimada jiritaanka Hogaanka, oo la isku hayo waa la casiley iyo lama casilin, ayaa waxaa soo shaac baxaya falal, u badan dhinaca qoraalka, laguna baahiyey shabakadaha wararka qarkood. Qormooyinkaas, oo ay qaarkood, soo diyaaariyeen dad aad u malayn karto in aanay laba socon waxa ay doonayaan inay akhriste-yaashooda gaadhsiinayaan. qoraaladaasina waxay waxyeelo weyn u geysteen ama burburiyeen danihii bulshada SSC, ujeedadii Hogaanka loo asaasay iyo daadihintii Garaadka laga filayey. Meerisyadaas oo laga yaabo in loola jeedey in lagu taageero himilida Hogaanka, waxay noqdeen kuwo kasoo horjeeda ujeedadii laga lahaa, waxaanay tumaati ku noqdeen hal-ku-dhegii bulshada SSC ku hadaaqaysey iyo yoolkii ay higsanayeen. Waxay sidoo kale Siyaasiinta SSC guud ahaan madoobeeyeen magacii ay ku lahaayeen umadda Soomaaliyeed.
Qoraalo been ah, laguna faafiyey shabakadaha qaarkood, ayaa waxay sheegeen in Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Hogaankii SSC uu Gegida Dayuuradaha ee Xamar kusoo dhoweeyey Wasiirka Koowaad. Taas oo ah mid aan Sal iyo Aasaas toona lahayn. Waxaa xaqiiq ah in halkaas ay kaga hor yimaadeen Laba Wasiir oo kala ah Juurile iyo Jengeli oo ay la socdeen sadex mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka. Waxaa iyana aad la yaab u leh xadka ay gaadhsiiyeen been-abuurka oo ay ka xishoon waayeen in ay isku soo dhejiyaan warkii qaabilaada Xamar iyo sawir sanado ka hor lagaga qaaday Garaadka markii uu joogey magaalada San Jose, ee Gobolka California, ee dalka Maraykanka. Sawirkaas waxaa dhinaca Graadka fadhiya Mudane Axmed Jaamac Jengeli. Garaadka iyo Hogaanka midkoodna iskuma deyin inuu beeniyo qoraal ladaas, oo dad weynaha loo sheego runta. Mase laga yaabaa in la kulanka Wasiirka Kowwad ula muuqdey, dadka qaarkood, darajo ama xilqaqan gaar ah oo loo fidiyey, halka Wasiiradii iyo Xildhibaanada laga dhigay wax an jirin! Marka aad ka cararto kuwii aad ku tiirsan lahayd, tamarta ama magaca aad raadinayso ayaan la garan karin. Haddii aad ka maagto qofka raba inuu muuqaaqu jiro, midka mareegta kula sugaya ayaad meel ugu tagtaa, waana dhibtaada maanta la gaadhsiiyey SSC, ee loo wadhey intii aan rabin iyo kuwii waxyeeladooda ku diirsanayey.
Dhaawaca ugu culus waxa la gaadhsiiyey danihii Bulshada SSC, iyadoo laga been sheegay shir aan marna dhicin, laguse eedeeyey Xildhibaano lagu magacaabay qabiilka Majeerteen iyo wasiirka Cali Jengeli, shirkaas oo lagu tilmaamay inuu ahaa sakalo lagu xanibayey laguna joojinayey Dayuurad, aan qorshe iyo qabanqaabo ahaan midkoodna u jirin, lagase dhigay inay, sidoo kale, shixnad hub ah, oo aan jirin, loogu qaadi lahaa Hogaanka SSC. Hogaanka iyo Garaadka oo si Alle og yahay kaga soo baxay degaanka SSC, halka Dayuuradani hubka u geyn lahayd ayaa iyana isweydiin mudan.
Wax kasta oo aadamuhu ku kacayo, haddii aan garashada iyo maanka lala kaashan, wuxuu kugu noqon karaa odhaahdii ahayd ” Waran kuugo soo noqon doono lama tuuro “. Warrankii la ridey ee soo noqday waa dayuuradii been abuurka ahayd oo loo adeeg sadey in laga dhigo fadeexad siyaasadeed oo uu ku kacay Wasiirka cusub ee hadda loo magacaabay beesha SSC, mudane Cabdikariim Axmed Jaamac, oo dad aan aqoon iyo aragti toona la sinnayn ay magaciisiina dhulka la dhacaan, kana dhigeen nin sharcigu aanu xidhin, xilka uu hayo aan u qalmin. Sidoo kale, qoraalada aan laga fiirsan ee la baahiyey lana waayey cid xakamaysaa, waxaa mar labaadkii si xilkas la’aan ah loogaga been abuuray Wasiirkii hore Mudane Cali Axmed Jengeli, lagana dhigay nin aan dhibaatada dadkiisu wax danaq ah ku hayn, isla markana is hor taagaya wixii loo qaban lahaa, isagoo lagu eedeeyey inuu ka qayb galay shirkii aan goor iyo goob uu ka dhacay midkoodna aanay jirin.
War-baahintu waxay u baahantahay in la garanayo waxa laga rabo inay fidiso oo ah runta, hadii kale lagu cadeeyo in ay tahay sida ay qoraaga ula eg tahay. Waxaa iyana looga baahanyahay cidda warfidintaasi saamaysaa inay ka hadlaan haddii aanay la qabin warka uu qoraalkaasi xanbaarsanyahay. Haddii laga hadli waayo, waxay tahay ama u ekaan kartaa in la aaminsanyahay lana rumaysanyahay ujeedada qoraalkaas. Sidaa darteed, wixii waayadan bulshada SSC warar loo lalinayey, lana doonayey in beerkooda lagu lulo, waxay u bateen – Beeni Raad ma Leh. Waxaase taa kasii daran, arrintuna isugu soo uruurtay, wixii Xaska iyo Xagarka Shiil-Caska ku qarsoomi jirey, waxay qarxeen markii Xamar lala yimid, in kastoo qaarkood hore loo ogaaday in aanay waxba ka jirin, intii kale ayaa xeebta lagu cabudhin kari waayey. Surma-seegto darteed, halgaadihii dadka caafimaadka qaba lala beegsanayey, waxay mudeen kuwii ay gacantooda ka baxeen, waayo kama aanay fiirsan wixii hore looga digey, lana yidhi “Waran-kugu-soo-noqon-doona-lama tuuro”. Taasina waxay ina dhaxalsiisay in aan dhinacna maanta inoo bed-qabin, laguna maadaysto ma-hadhooyinka aynu inagu is gaadhsiiney, sabab toodana qaarkeen leeyihiin.
Qore: Saciid Cali Hassan(Lydan)
FG. ragtida maqaallada iyo faalladan waxay u gaar tahay qoraaga ku saxiixan.