qalinkii, axmed takar isma raaci karaane allow yaa kala-reeba
Somalida waligeed waxa dhaqan iyo caado u ahayd in wax-
la wadaago oo walaalo la yahay iyadoo lakala cantuugo iyo
cirweyn yahay ..lakinse waa xaajo ugub ah : aan aniga iyo
beesheydu dheregno inta kalana waxba igama galin ee milicda
ha tubnaadeen .
tan iyo intii la doortay r/wasaaraha cusub ee dkm somaliya waxa
soo baxayey qeylo dhaan iyo qamandhaco kasoo yeereysa
qaar ka mid ah beelaha somaliyeed oo iyagu iska dhaadhiciyey
iney dumaal iyo dhaxal u leeyihiin hogaaminta somaliya ..
waa sidey iyaga la tahaye..
waxaase maaskaradii iyo daboolkii ka dhacay markii r/wasaaruhu
soo magacaabay golihiisa wasiirada oo ka kooban 18 xubnood
oo qudha taasoo caqliga saliimkaa uu garan karo ineysan
suurto-gal noqon karin iney somali oo dhan iska dhex aragto liiska
cusub ee aadka u kooban ee golaha wasiirada.. waxaa isla
markiiba af-labadii yeeray qaar kamid ah beelaha somaliyeed
ee sad -bursiga iyo caddaalad darada looga maaro waayey.
iyagoo ku qeylinaaya :waa nala bililiqeystay,waanala bililiqeystay
intooda barlamaanka dfkm ku jirtaana eey ku dhawaaqayaan:
kalsoonidii waan la noqonay,kalsoonidii waan la noqonay
shaki iigama jiro in haddii 18 wasiir nuskood (9) iyaga la siin lahaa
eey banaan baxyo taageero ah isugu soo bixi lahaayeen..
r/wasaare farmaajo
oo ciidankii ratibaaya
somalina u riyaaqday
iyo raggaas barlamaanka
ee iney ridaan isu taagey
isma raaci karaane
alloow yaa kala reeba
18-ka wasiir
ee r/wasaaruhu doortay
ee sida aanu rajeyni
runta noogu adeegi
iyo reeraha minestarka waayey
ee faruuryaha ruugi
isma raaci karaane
alloow yaa kala reeba
shariifkoo ra,yi maala
rabigiisana tuuga
somalina isla-raadin
iyo reeraha LAND-ga sheegta
ee qabyaalad raqiisa
raasamaalka u qatay
isma raaci karaane
alloow yaa kala reeba
raaya-deena buluuga
waa asteena runtaa
ee rag badani dhiiga u daadshey
iyo calalkaan xuneey ruxayaan
isma raaci karaane
alloow yaa kala reeba
ra’yi gaabka wadaada
ee dagaalka u roori
madfacey ridayaana
malyuumaadka ku riiqi
iyo shacabkeena rafaadsan
isma raaci karaane
alloow yaa kala reeba
amisom-tan rucleyni
ee taangiyaasha ku roori
madfaceey soo ridayaana
raxan-raxanta u tuuri
daarahey rujiyaan mooyee
aan ruuxna ceyminaheyn
iyo shacabkeena rafaadsan
isma raaci karaane
alloow yaa kala reeba
qalinkii axmed.yakar
www.buhodlepost.com
asc war ninkan faroole waa nin wlan ruuntii waayo maxa isaga ka galay dhulbahante iyo leelkase mise waxba laga waydiinaya talada rerahaas intii xukuumadii dex dalka dhacday axaa soo baxa sanadba sheeko cusub mantana qabiil qabiil la siman doonaya inuu maamulo yaab