DAWLADA INGIRIISKU MA OGTAHAY IN SIILANYO, DABIILE DAGAL YAHAY
Horjooge Siilaanyo oo xiligii uu madaxda ka ahaa Jabhadii SNM oo ku salaysnayd qabiilka ay ahayd mid dad badan oo Xoolo dhaqato ah ama socdaal ahaa ,kana soo jeeday Beelaha Harti iyo Samaroon loo Xasuuqay Isir nacayb iyaga oo danbiga qura oo ay galeen ay ahayd xiligaas ay ahayd Qabiilada ay ka soo jeedaan oo aan ahayn kii ay u badnaayeen Jabahadii SNM ama madaxdoodii uu ka mid ahaa Ninka maanta sida xorta ah uga soo degay magaalada London ee lagu magcaabo danbiile dagaal Siilaanyo
Haddaba su’aashu waxay tahay; “Ahmed Siilaanyo Imisa qof buu diley ama ceqaabey?”, maadaama nin waliba nidaamkii uu madaxda ka ahaa wixii soo maray la weydiinayo? Su’aashaas waxaan weydiiyey nin aan magciisa ku soo koobayo Kamaal (maaha magaciisa runta ah) oo ii sheegay arrin iga fajicisey: “Siilaanyo wuxuu diley aabahey!”
Dawalad Ingiriisku raali ma ka tahay in ay Marti u ahaadaan Axmed Mire iyo Siilaanyo oo xaquuqda baniaadamka ku tuntay xiligii ay xukumayeen jabahadii SNM hadana qaarkood canshuurta dadka Reer Britain laga masruufo qoysaskooda iyaga oo siiyey magan galyo
Waxay ahayd bishii sadexaad 1991-kii. Ciidanka SNM oo uu hogaaminayo “Gaashaanle Dhexe Ahmed Mire” waxay Yimaadeen deegaanka caanka ah ee Jidbaale ee gobolka Sool, iyagoo dadkii degaanka shir isugu yeeray si looga tashado “maamul sameyn iyo nabadeynta beelaha” maadaaama dawladdii dhexe dhacdey. Waxaa baabuurta lagu soo xirxirey calamo cadcad iyo caleemo qoyan oo ka tarjumaya nabad iyo farxad. Waxaa shirkii yimi ilaa 100 nin oo degaaanka Sool ah. Markii shirkii loo fadhiistey ayaa duhurkii waxa golihii wareeg ka qabtey ciidan SNM ah oo qarsoonaa oo wata tekniko xoog leh. Waxa markiiba hubka laga dhigey dadkii shirka loogu yeeray oo qaarkood qoryahoodii reer miyiga wateen. Waxaa la isugu geeyey meel banaan waxaana lagu amrey inay xaga qoraxda u jeestaan. Ka gadaalna waxaa lagu furey qoryaha baaska ah. Goobtaas waxaa lagu diley aabahay iyo 82 nin oo kale. Waxaa ka badbaadey tobaneeyo nin oo iyagu markii horeba shakiyey oo cararaey markii ay ciidanka kale arkeen, iyagaana arrinta soo sheegay oo warka keenay.
Dadku maxay u wada fakan waayeen markii la arkay ciidanka? Waxa loo sheegay in ciidanku yahay waardiyihii Ahmed Siialaanyo oo shirka imanaya, una socda koonfur. Waxaa la isku haleeyey madaxda ciidanka oo uu hogaaminayey G. dhexe Axmed Mire oo la wada garanayey, oo la is lahaa waxba dhici maayaan inta uu joogo!
Maxaa loo dacweyn waayey Axmed Siilaanyo? maxaase loogu mudaharaadi waayey siilaanyo
Kamaal; “Lama rabin in arrimaha dadka kiciya la sii wad wado”, “waxaan rajaynayney in la iska ilaawo wixii la soo maray oo aan dadka la sii kala fogeyn.” “Laakiin haddii laga hari waayo arrimaha noocaas ah waxay noqoneysaa in Siilaanyo iyo wixii la shaqeyn jirey la dacweeyo.”
Waxan weydiiyey “ma markaas keli ah baa arrinkan oo kale dhacay?”
Kmaal; “maya, marar badan buu uruuka SNM dad shacab ah xasuuqey.”
Imisa qof bay dileen, inta aad maqashey?
Kamaal: “Ilaa dhowr kun oo qof oo Sool iyo Sanaag iyo Buuhoodle ah bay dileen!”, “markhaatiyaashii weli wey nool yihiin.”
XIGASHO ALLSANAG