|

Waxaan Codsanayaa in Fursad nala siiyo:Reysalwaare Farmaajo oo Xildhibaanada ka codsaday in Codka kalsoonida la-siiyo

Raisul wasaaraha dowlada ku meel gaarka Soomaaliya Prof Maxamed C/laahi Farmaajo oo la kulmay xildhibaanada barlamanka Soomaaliya ayaa ka codsaday in waqti loo siiyo dowladiisa si ay wax u qabato mudada dowlada uga harsan waqtiga ku meel gaarka.

“Waxaan codsanayaa in dowladan waqti lasiiyo oo fursad loo siiyo inay shaqeyso sagaalka bilood ee u harsan dowlada. Waxaan qabaa in waqtigaas aan wax ku qaban karno haddaan ka hirtagno musuqmasuqa iyo caddaalad darrada”, ayuu yiri raisul wasaare Farmaajo.

Wuxuu raisul wasaaruhu cadeeyey in hawsha ugu horeysa ee uu qabanayo ay noqon doonto sixutaanka dowlada sida baabi’inta musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada taasoo uu sheegay inay dowladan dhabarka ka jabisay.

Sidoo kale wuxuu raisul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo sheegay inuu kaalin fiican siin doonto ciidamada militariga iyo booliska si ay amniga dalka wax uga qabtaan.

“Ciidamada qalabka sida waxay noqon doonaan kaalimaha waaweyn ee dowlada waxaana bil walba ku dadaali doonaa in mushaharkooda la siiyo oo ay helaan xuquuqdooda si amniga dalka wax uga qabto”.

Kulankii maanta uu yeeshay barlamanka Soomaaliya ee uu raisul wasaaruhu ku soo bandhigay barnaamijka xukuumadiisa ayuu ku sheegay in jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibad ay si weyn u taageersan yihiin xukuumadan cusub, iyagoo muujiyey dareenkooda ka dib markii ay soo bandhigeen mudaaharaadyo ka dhacay qeybo ka mid ah Mareykanka.

Raisul wasaare Farmaajo ayaa si aad ah uga hadlay hindisaha nabadeynta dalka gaar ahaan waqtiga kooban ee u harsan DFKMG taasoo dad badan ay su’aal ka keeneen sida xukuumadan cusub ugu guuleysan karto iyadoo waqtiga badankiis uu horey u tegey.

Dhinaca kale ansixinta xukuumada cusub ee barlamanka ayaa iyana loo arkaa ari muhim u ah shaqada xukuumada oo durba la muujiyry dhaliilaha ay leedahay dowlada taasoo ay soo jeediyeen dad isugu jira xildhibaano ka tirsan dowlada iyo siyaasiyiin aan dowlada ku jirin tuba.

Si kastaba waxaa la filayaa sida ay xukuumada Proff Farmaajo ku haqwlgasho iyo sida uu u wajaho barnaamijiisa waxqabad ee uu soo bandhi

BUHODLEPOST.COM

Fikrad Ka Dhiibo