GOGOSHII NABAD BEELIHII KU DAGALAMAY KALSHALAE OO SI RASMI AH UGA FURANTAY MAYGAAGLE
Kulan Balaadhan oo Maanta ka dhacay Deegaanka Maygaagle oo Ergooyinkii iyo Isimada Cuqaasha Waxgaradka Buuhoodle Isku Arkeen
(Maygaagle, November 22, 2010 buhodlepost.com
Kalmadii Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil Dhagayso
Magaalada Maygaagle Waxaa Maanta ka dhacay Kulan Balaadhan oo ay ka soo Qayb galeen Dhamaan Isimada Cuqaasha Culumada Diinta iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Gobolka Cayn iyo Ergoyinkii ka socday Dhinaca Waqooyiga Soomaaliya oo iyagu Todobaadkaniba ku sugnaa Magaalada Qorulugud si ay Beesha Bariga Burco uga Qanciyaan Dhibaatadii ka dhacday Deegaanka Kalshaale Isla Markaana Wada Xaajoodyo ugu furilahaayeen Beelaha Bariga Burco iyo Beesha Deegaanka Buuhoodle oo Dhibaatada sababtay isku dhackeenay Dhimasho iyo Dhaawac dhexmaray labadan beeloodee walaalaha ah.
Ugu Horayba Waxa Goobta Wadahadalka ka Hadlay Caaqil Abdi Nuur Diiriyey oo kamid ah Salaadiinta iyo Cuqaasha Waftiga Waxa uu Halkaasi kaga Dhawaaqay inay Wadahadaladii iyo Xasilintii Nabada ee ay u joogeen Deegaanka Qorulugud Beesha Bariga Burco ka Aqbashay isla Markaana ogolaatay inay Xabad Xoojin Rasmi ah Qaataan. Wadahadalna la galayaan Beelaha Deegaanka Buuhoodle ee Dhibaatadu Dhexmartay, Reer Buuhoodlena uga baahan yihiin ka Wafti ahaan inay Nabada Dhinacooda Aqbalaan kuna soo Dhawaadaan Miiska Wadahadalka.
Kalmadii Caaqil Abdi Nuur Diiriye Dhagayso
Dhinaca Buuhoodle Waxa Markiiba Halkaasi uga Hadlay Cuqaal Tiro badan oo ku Dhawaaqay inay Nabada iyo Xabad Joojintaba ku Qaateen Waxaana Goobtaasi kaga Dhawaaqay Caaqil Abdilahaahi Xasan Qanbi iyo Nabadoon Xasan Ciise Wacays oo Sheegay inay Beelaha Deegaanka Buuhoodle Diyaar u yihiin inay Wada Xaajood iyo Xabad Joojinba la galaan Beelaha Deegaanka Bariga Burco.
Kalmadii Caaqil Xasan Ciise Wacays Dhagayso
Kalmadii Caaqil Cabdulaahi Xasan Qambi Dhagayso
Ka Dhagayso Shabakada Wararka Ceegaag.com Khubadihii ay Halkaasi ka soo Jeediyeen Ergooyinkii Maanta Shirkaasi ka Qayb galay oo Khudbado farabadan Halkaasi ka soo Jeediyey
Nala dhagaysta qudbadihii kale ee laga soo jeediyay Goobta
Kalmadii Caaqil Cabdi Faarax Nuur Dhagayso
Daawo Sawirada
Caaqil Hindi Maxamed Caws
WWW.BUHODLEPOST.COM XAAFIISKA WARARKA EE BUUHOODLEWEYNE