|

masoo gaadhey gaban aabihiis gaal ku odhanaaya

waxan marka hore halkan ka salaamayaa bahda shabakada caalamigaa ee
www.buhodlepost.com , tixdan aadka u gaaban waxa igu dhaliyey
inan tiriyo anigoo tix-raacaya gabeygii: MASOO GAADHEY GAAL IYO WADAAD GAAR U WADA TAAGAN
kaasoo kusoo baxay qaar ka mid ah mareegaha somalida

masoo gaadhey gaban aabihiis gaal ku odhanaaya

1.masoo gaadhey wiil gabana oo caalim garab taagan
2.masoo gaadhey gado yaab leh iyo culimo gaaleynta
3.masoo gaadhey shiikh gafuurka xidhoo aan la garaneynin

4.masoo gaadhey godane iyo mansuur oo is wada gaadi
5.masoo gaadhey al-qaacida   oo goysa taladeena
6.masoo gaadhey gurboodkiyo ardada gumacyo loo dhiibo
7.masoo gaadhey guri nabada oo qarax la gaadhsiiyo

8.  masoo gaadhey garaadlaawe wada gaadhi miineysan
9. masoo gaadhey dad aan waxba galabsanoo lagu gumaadaayo

10.masoo gadhey gurigii ilaah oo la gabawerayo
11.masoo gaadhey madax gorofsan iyo dhiigga gobo,leyn

12.masoo gaadhey gowraca dadkiyo qoor la kala gooyo
13.masoo gaadhey gaajo nimey dishoo baangad lagu gujeynaayo
14.masoo gaadhey odey soo gotoo ilmada gabax ka siinaaya
15.masoo gaadhey gaban aabihii gaal ku odhanaaya

16.masoo gaadhey qubuuraha gar-weyn lagu garaacaayo
17.masoo gaadhey gaangester jihaad inaku guubaabin
18.masoo gaadhey rakaabkaa bombada lagu gig siinaayo
19.masoo gaadhey geeska afrikoo yurub u goodinaya
20.masoo gaadhey calankan ayan sudhi moosko gudaheeda

qalinkii:ahmed A.Takar
takar77@hotmail

xafiiska wararka buhodlepost malaysia

Fikrad Ka Dhiibo