Wafti ka socda Puntland oo soo gaadhay Buhoodle
Wefdi kasocda Dawladda Puntland iyo Isimada ugu caansan degaanada Puntland ayaa gelinkii dambe ee maanta gaarey degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn.
Wefdigaan waxaa hogaaminaaya Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Xaaji Xussein Yaasin,waxaana ku weheliya qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland sida Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Eng.Maxamed Faarax Aadan,Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland. waftigan ka socda Puntland ayaa waxay u hanqal taagayaan inay qayb ka noqdaan daminta colaadii isbuucii hore ka dhacday baliga Kalshaale, Wallow ay la soo kulmeen wajigii labaad ee shirka.
Isimada kasocda dhanka Puntland oo qayb ka ah wefdigaan ayaa waxaa kamid ah;
1-Garaad Cabdullaahi Cali Ciid
2-Suldaan Siciid Maxamed Garaase
3-Garaad Maxamed Cilmi Shirwac
4-Garaad Axmed Cali
Si kastaba dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Dawladda Puntland sheegay in maamulka Somaliland kala kaashan doonaan sidii wax looga qaban lahaa colaada dhexmartay labadaas beelood.
Shalay waxaa degmada Maygaagle soo gaarey Odeyaal iyo Waxgarad kasoo ambabaxay gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.
Buhodlepost.com
Shiine Shariif