JAAH WAREER KUYIMI SIYAASADA CALAMKA KADIB KARKII DAHA LAGA RORAY DOCOMENTNTYO SIR CULUS XANBAARSAN
Webka Wikileaks ee ku caanbaxey iney soo bandhigaan Siraha siyaasada aduunka ayaa website kooda kusoo bandhigeysa siro hor leh, sirtaan cusub ayaa Bomb cajiiba dhex dhigtey caalamka, akhriso waxyaabaha kamidka ah sirtaan soo socota.
Docoments-kaan ay Wikileak so wadaan ayaa badankoodu ka hadlayeen sida Wasaarada arimaha dibada ee Mareykanku indhaha ugu heyso dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta aduunka.
Hillery Clinton ayaa amar kusiisey safaaradaha Mareykanka iney soo jaajuusaan siyaasiyiinta wadamada ay joogaan, Waxeykaloo amar kusiisey dublamaasiyiinta Mareykanka ee jooga Xarunta Qaramada midoobey iney soo gudbiyaan macluumaadka dublamaasiyiinta Qaramada midoobey oo uu u horeeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobey Ban Ki-moon, Waxaa waraaqahaan sirta ah ku cad in Hillary Clinton amartey in lakeeno faraha Ban Ki-moon,dhalashadiisa meeshuu ku dhashey dhaam macluumaadkiisa, waxey kaloo amartey in lakeeno dhamaan shaqaalaha safaaradaha xarunta qaramada midoobey macluumaadkooda sida Credit cards nambarkooda. iyo safiirada teleefon nambarkooda.
Arinta ugu cajiibsan ayaa waxey tahey in Hillary Clinton amartey in dhiiga DNA-ga lagasoo qaado Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobey Ban Ki-moon.
Arinta kale ee ugu cajiibsaneyd kana yaabisey wadamada sida gaarka ah ay mareykanka saxiibka u ahaayeen ayaa waxaa kamid ahaa in Wasaarada Arimaha Dibada Marekanku codsatey in la keeno teleefan nambarada 4 ta wadan ee golaha abniga Qaramada midoobey joogtadada ku ah ee Shiinaha, Faransiisaka Ruushka iyo Ingiriiska. waxaa kaloo sigaara Mareykanku usoo jaajuusi jireen wadanka Jarmalka oo ay siro badan ka heleen.
Waxaa kaloo waraaqahaan sirta ah ka mid ah in Wadanka Sucuudigu dhowr jeer ku booriyey Mareykanka in la weeraro Iiran si looga hortago iney sameystaan Nicliyeer.
Siyaasiyiinta wadamada Yurub ayaa iyana ku jira Allow ceebtayada astur waayo waxaa kamid ah waraaqahaan sirta ah qoraal sheegaya in safaaradaha Mareykanka ee Yurub ay jaajuus ahaayeen ayna indhaha ku hayeen siyaasiyiinta Yurub iyo Baarlamaanadooda, iyo waliba Telefoonadooda oo la dhageysan jirey.
Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Carl Bildt oo isagu ka mid ah dadka faraha wadnaha ku haya ayaa isagoo ka faaloonaya waraaqa cusub ee sirta ah ee uu soo daabacayo bogga wararka ee Wikileaks,wuxuu sheegey in markii la kashifo wararka ay dublamaasiyiintu dalalkooda u diraan taasi wiiqeeyso guud ahaan dublamaasiyadda dunida oo dhan.
Denmark oo saxiib dhow la aheyd Mareykanka ayaa ka mid ah wadamada sida gaarka ah looga hadley oo la jaajuusi jirey siyaasiyiintooda, Aqalka looga taliyo Denmark ee Christiansborg ayaa indha gooni ah lagu hayey dhaqdhaqaaqa ka socda, taasina waxey ka careysiisey siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Wasiirka Arimaha Dibada Sweden wuxuu kaloo sheegey in ay hada yaraatey kalsoonidii aduunku isu qabey, waa inaan helnaa buuyiri layman taleefoon oo amaan ah oo siyaasiyiinta aduunku iskula xiriiraan marka xaalad xun timaado, hada waxaa cad in kuwii aan u qabney iney yihiin layman amaan ah aysan amaan aheyn oo dhexda loo fadhiyo.
Waraaqahaan sirta ah ee ay Wikileak soo wadaan waxey kicineysaa amaan xumo hor leh oo soo wajahda aduunka iyo in ninba ninkuu saxiibka la ahaa ka shakiyo.
Wargeysyada Caalamka sida wargeyska New Times oo mareykan ah iyo Wargeyska Der Spiegel oo Jarmal ah ayaa hordhacaan sirta heley, dhowaan ayaana Wikileak soo bandhigayaan.
Wikkileak waxey shaley sheegeen in website-kooda ay fara kulul ku hayaan sirdoonaka Mareykanka oo doonaya iney ka hortagaan inaan sirtaan lasoo daabicin, Hada hadaad gasho website-ka Wikileak oo la weeraray waxaa ku qoran sidan :
The original WikiLeakS.org website is still effectively shut down, despite the hype about diplomatic cables etc.
WWW.BUHODLEPOST.COM
EMAILBUHODLENEWS@HOTMAIL.COM