|

Mourinho Oo La Ganaaxay 2 Kulan & 40,000 Euros

Macalinka Real Madrid Jose Mourinho ayaa laga ganaaxay hal kulan oo ka tirsan tartanka horyaaladda yurub kadib markii lagu eedeeyay inuu sabab u ahaa 2dii ciyaartoy ee roosayaasha qaatay kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Ajax.

Jose Mourinho kulanka 2aad ee ganaaxa ah wuxuu ku dhacayaa hadii qalad kale lagu helo mudo 3 sano gudahood ah, waxaa intaa u dheer in lagu ganaaxay 40,000 euros,” faahfaahin dheeri ah booqo UEFA website.

Xiddiga khadka dhexe ee Madrid Xabi Alonso iyo difaaca baalka midig Sergio Ramos oo la saaray kulankii Real ay 4-0 ku adkaatay ayaa sidoo kale min hal kulan maqnaan doona.

Dhamaan waxey maqnaan doonaa kulanka ugu danbeeya ee Group G kaasoo ay la ciyaari doonaan kooxda Marseille.

Marka laga yimaado ganaaxa Alonso iyo Ramos waxey kaloo UEFA, ganaax dul dhigtay Iker Casillas iyo Jerzy Dudek kadib markii lagu helay in ay gudbinayeen fariimo ah in kubadda la dil oo waqtiga la lumiyo .

Alonso iyo Ramos waxaa lagu ganaaxay midkiiba 20,000 euros, halka 10,000 la dul dhigay Casillas iyadoo Dudek lagu amaray inuu bixiyo 5,000 euros.

Real, oo 9 koob oo yurub ah heysta, waxaa lagu ganaaxay 120,000 euros. Laakiin waxey kooxdu heystaa 3 maalin oo ay racfaan ku qaadan karaan

Fikrad Ka Dhiibo