|

maxaa ka jira in maamulka somaliland dalka ka dhoofiyey ninkii jarmalka ahaa ee anshax xumada ka sameeyey hargaysa

Wararka sida weyn la iskula dhexmarayo magaalada Berbera ayaa tibaaxaya in ninkii Jarmalka ahaa ee dhawaan lagu qabtay cadeymaha fawaaxishta ahaa in dalka hab qarsoodi ah xukuumadu uga dhoofisay.

Wararkan ayaa waxa ay intaa ku darayaan ay dhici karto in xukuumada Somaliland ay culeyso waaweyni ka soo wejeheen gudaha iyo dibadaba.

maamulku  waxa ay culeys weyn kala kulantay shacabka oo dalbanaya in ninkan dacwadiisa la dedejiyo si tusaale ay ugu noqoto cid walba oo damci karta ku dhaqanka falalka diinta naga reebtay.

waraku waxa uu sheegayaa in ninkan laga xiiray gadhkii weynaa iyo timihiiba si aan loo garan marka uu dalka ka dhoofayo,ilo wareedyadani ma sheegin halka uu tegay ninkani.

Arimaha ku xeeran dacwada ninkan loo heysto oo la xiriirta dhaqan xumo cadeeymo muuqaal ah laga hayo ayaa aheyd hadal henta u badan ee dadku isku weydiinayaan waxa ninkaa iyo ciidii kale ee danbi ku cadaado waxa laga yeelayo.

culimada iyo shicibka ayaa dhamaantood soo jeediyay in ninkan jarmalka ah la mariyo waxa shareecada Islaamku ka qabto falalka noocan oo kale ah.

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo