|

Chelsea oo 17 Milyan ku dooneysa Cristian Ledesma

Kooxda Chelsea ayaa dooneysa iney 17 Milyan u bandhigto kooxda Lazio si ay u hesho xiddigooda qadka dhexe ee Cristian Ledesma,Macalinka Chelsea Carlo Ancelotti ayaa isha ku haya ledesma oo mar dhow lagu soo daray xulka qaranka taliyaaniga.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha kooxda Lazio Claudio Lotito ayaa doonaya inuu Ledesma kooxda la sii joogo maadaama uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxdiida oo sanadkaan si fiican horyaalka taliyaaniga u bilaabatay hadana kaalinta 2-aad kaga jirta.

Kooxda Lazio ayaa raadineysa Ivan Rakitic oo Schalke u ciyaara iyo Mohammed Sissoko oo Juventus ka tirsan, hadii ay mid ka mid ah labaas ciyaariyahan helaa ayaa waxaa laga yaabaa in Lazio ay iibiso Ledesma.

Cristian Ledesma oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Argentina ayaa wuxuu go’aansaday inuu ka mid noqdo xulka Taliyaaniga isla markaana kulankiisi ugu horeeyey uu ciyaaray ay taliyaaniga 1–1 la galeen xulka Romania bishi la soo dhaafay.

Fikrad Ka Dhiibo