|

Difaaca Chelsea oo fariin culus u diray kooxda Everton

Difaaca labaad ee ugu wanaagsan naadiyada qaaradda Yurub islmarkaana ah difaaca dhanka midig ee kooxda Chelsea John Terry ayaa fariin culus hawada u mariyey cayaartoyda Everton oo maanta ciyaar adag ku dhex mari doonto garoonka Stamford Bridge ee magaalada London.

John Terry oo ka soo kacay dhaawac dhawaan ka soo gaaray garoomada ayaa sky sport u sheegay in imnka xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay islamarkaana uu xusay in cayaarta maanta dhexmari doonto Everton iyo Chelsea uu si weyn uga muuqandoona garoonka.

Waxaa uu intaasi raaciyey in ey ku tuman doonaan Everton maadaama kooxda Chelsea ay ka maqnaayeen laacibiin waa weyn oo dhanka qadka dhexe iyo difaaca, taasoo keentay in Chelsea laba ciyaar oo isku xiga laga badiyo halka ciyaarta seddexaad ay bareejo tuugtay.

Macalinka Chelsea Carlo Ancelotti oo saxaafadda la hadlay todobaadkii hore ayaa sheegay in guuldarooyinkii Soo wajahay Chelsea ay sabab u ahaayeen laacibiinta sar sare, sida John Terry, Michael Essien, Frank lampard, kuwaasoo garoomada uga maqnaa qaarkood dhaawac halka Essien uu ku maqnaa ganaax seddex kulan ah kadib markii si qaldan oo deg-deg ku jirtay loo siiyey calaamadda Cas/Rooso ciyaartii Chelsea ay Fulham uga adkaatay 1-0-ka.

Difacan Dhanka midig ee Chelsea John Terry ayaa si weyn looga tabay maqnaasha seddexdii kulan ee ugu danbeeysay, iyadoo seddexdii kulan ee Didier Drogba kabtanka u ahaa kooxda ay ka bixi weysay guuldarooyin.

Ciyaartan aadka u xiisaha badan ee maanta dher mari doonto kooxha Chelsea iyo Everton ayaa bilaaban doonto saacadu markey tahay lixda maqribnimo oo buura ah (6:00Pm) xiliga bariga Africa.

Fikrad Ka Dhiibo