maqaal:- walee lama dego
Hogaankii oo sida laga warqabo ku fashilmay ujeedadii loo abuuray, kuna guul daraystay inuu cududa iyo maskaxda dadaweynaha hantiyo, waxaa inoogu danbeysey isagoo u anbabaxay dalal aan wax kaga xidhani jirin.
magac raadin iyo sawiro lala galo dad kale ayay u qabaan inay aqoonsi ku helayaan. Waxay iloobeen in been abuur danbe oo u hirgeli karaa uu aad u yaryahay, markii ay baneeyeen goobihii laga filayey inay ka dagaal galaan. Kalshaale iyo degaanka Cayn oo dhan Hal Askari oo u jooga waa laga waayey marka laga reebo sadex baabuur oo ardaayo beesha SSC ka tirsan ka kala yimid, iyagana loo diiday inay ku milmaan boqolaalka shicibka ah ee hubka u gurtay difaaca dalka.
Iyagoo ogsoon in cudud iyo talo ay degaanka wax tar ugu geystaan aany hayn, waxay sidii looga bartay caadaysteen inay khakhal geliyaan ujeedada dadka, kuna kacaan falal kasoo horjeeda danaha dadku leeyahay, sidii weeraradii Widh-Widh iyo Xadhadhanka ay ku qaadeen, iyagoo uga jeeday Anna-Way-Kan. Maantana markii ay arkeen in loo wada qurmay dagaalka la oogey, isla markaana wax awood ah oo ay ku sameeyeen dhaqaalihii faraha badnaa ee ay ka uruursadeen Qurba Joogta daacadda ah, waxay bilaabeen inay dagaalkii kusoo celiyaan guryaha iyo gudaha magaalada Buuhoodle, iyagoo uga jeeda Wallee-Lama-Dego. Lacagtii ay ku bixin lahaayeen Saanada, Gaadiidka iyo Ciidan xoog leh markii ay lunsadeen, gabaabsina noqotay, awoodoodii waxay ku soo ekaatay inay gataan dhagxaan loo dhiibo wax-ma-garato iyo maato laguna tuurtuuro Masaajid Jaamaca buuhoodle iyo guryo odoyaal ka tirsan beesha ay leeyihiin, oo markaas ku maqnaa madasha shirka nabadda ee Maygaagle. La yaab ma laha inay taa maanta ku kacaan, wayo wax ka fiican oo hore looga bartay ayaan jirin, waayo horaa loo yidhi ninku hadduu seexdo oo soo tooso waa isla isagii, wax Hogaanka iyo Odayaashii la ambaday iska bedeley ma jiraan. Waxaa Mid ka mid ah waalidiinta dhalinyarradda dhagaxa tuurayey, inankiisu uu usheegay amarka iyo dhaqaalaha abaabulka fidmadu ka yimid debadda.
Sida aanu uurkooda u caafimaad qabin , Hogaanka iyo inta hagoogta u saartay , ayay dadka kale oo dhan kii talaabo qaada moodayaan inuu sidoodii mugdi marayo, waxna hullaabta ugu qarsoon yihiin. Haraaga hadda jooga magaalada gudaheeduna waa war-tebiye yaal gudbiyo wixii af-garasho ah ee la gaadho u gudbiyo Afrikada Bari iyo Dalka Ingriiska, waxaana eedaas wax ku leh odayaasha beesha ee u ogolaaday dad nabadda qas iyo qalaanqal kula jira inay joogaan magaalada. Haddana waxaa talo ah:-
1. In Sadexda Hogaanka u jooga magaalada Buuhoodle mid walba loo diro degaankiisii ama talada uu sheeganayo dhulka dhigo.
2. In ciidan isku jir ah, kana kooban bulshada degaanka magaalda la abaabulo, ciddii danbe ee ku kacda falal aan dadweynuhu raali ka ahaynna lagu hubsado xabsiga.
3. Labadaa qodob haddii aanay suurtageli karin, waxaa ina qabanaysa odhaahdii ahayd – ama ina daaya waa wada qabnaa daawshiyo ceeb eh.
Qore: Ahmed Adam, Buhodleh, Cayn Region
Issin waanuu Issimada ka doonaa heshiis,Khusuusidu waa inay golaha khusuusida ka dhex doodaan cod lagu kala baxaa,Hoggaanku waa inu sidoo kale wada tashi ku maareeyaa dhamaan go’aamada una qabsoomaa golaha khusuusida. Sharci kala xadidaya awoodaha oo loo wada qabsoomo laguna kala baxo waa inuu jiraa.
Ciidamo isku dhaf ah oo dhamaan degaan SSC ka hawl gala una gurmada hadba meeshii dhib ka soo kororto ama xorayn u baahan oo leh sharci iyo kala dambayn,leh talis kala amar qaata oo kala sareeya,leh tiro la yaqaan,ku sugan saldhigyo la garanayo,leh tamar la garto,u tababaran hadafka laga rabo,waa inuu jiraa.
SSC saddex gole oo kala ah kan Issimada oo leh dowr la yaqaan,kan khusuusida oy tahay inay sharci dejin iyo ilaalin iyo la xisaabtanka fulinta,kan fulinta oy hawshoodu tahay fulinta hawl maalmeed ku socda sharci hore golaha khusuusidu u dejiyey.
Badi SSC waxay qabtaa inaan la dumin HM&B balse la saxo. Sixitaanna waxaa ugu horeeya in saddexda gole ay kala baxaan oo gole kastaa garto hawsha loo igmaday. Iyo shicib weyna SSC oo talada u daaya saddexda gole iskana fogeeya inay la kala saftaan.
M.H.Buraleh
Mudane:
Waad ku mahadsantahy sida gobanimadda ee huffan ee aad u hadasho. Waxaase nasiib dara ah in maatadda hogaanka habowsan ay meel walba kaa aflagaadeeyaan kuguna eedeeyaan hantidii laga uruurshay haweenka dhulbahante ee rumaysan kana daacad ah kacdoonka SSC. Hase yeeshee, shacabka SSC waa ogyahay cida lunsatay hantidi qurba joogta.
Hussein Farah
asc war maxamed illahyna wa yaqan adamahana loo sheegi mayee nimankan beenaale yasha ah yaa dadka ka qabta