|

Waxaan dilnay 43-Dagaalyahano:Farmaajo oo booqday jiida-hore ee Dagaalka

R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta booqday goobo ay dagaal kula wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo ku yaal degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee magaalada Muqdisho.

Mr. Farmaajo ayaa jiidda hore kula hadlay saxaafadda, waxaana uu amaan u jeediyay ciidamada xoogga ee dagaalka uga saaray goobaha cusub maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in kooxaha nabad diidka looga dilay dagaalkii ay ciidamadu kula wareegeen goobaha cusub ilaa 43-maleeshiyo, iyadoonu uu dhaawacyadooduna ku sheegay kuwo intaa ka badan.

Ciidamada dowladda ayuu sheegay in uu khasaarohoodu yaraa islamarkaana laba askari uga dhaawacmeen dagaalkaasi

Safarkan ayaa waxaa r/wasaaraha ku wehliyay saraakiil ciidan kuwaasoo sharaxaad uga bixinayay goobaha ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda iyo xaalka aagga hore ee dagaalka.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada dooladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay goobo hor leh kala wareegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee dagaalada ka wada koonfurta Soomaaliya.

www.buhodlepost.com

emailbuhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo