|

Dowladda KMG oo mesha ka saartay in la iibsaday furihii Internetka ee Somalia

Muqdisho-Dec 05-10-(buhodlepost)-Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ka hadashay warar la isla dhex marayay maalmahan oo sheegaya in la iibsaday furihii internetka ee Soomaaliya, kaasi oo ahaa dhibic Som ama (.som).

Wararkan ayaa yimid dhawaan iyadoo la sheegayay in Shirkad ka dhisan dalka Japan ay la wareegtay milkiyadda furahan. Laakin waxaa taas been ku sheegay wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta dowladda Somalia Mr C/kariin Jaamac.

“ Waa been aan sal iyo raad lahayn arintaas sheegeysa in la iibsaday furihii Somalia. Howshan wa mid aan aqoon dheeraad ah u leeyahay. Wadan kasta waxa uu leeyahay fure Internet iyo mid Telfoon. cid kale oo iibsan kartana ma jirto” ayuu yidhi Wasiirka.

“Shirkad Japan ah ayaan goor hore la heshiinay oo dowladdii KMG ee naga horeysay ay heshiis kula gashay inay noo maamusho howlaha Internetka noona maal galiso dad Soomaaliyeed oo howshaas qabta. Haddan waxa socda tababar dad Soomaaliyeed loogu diyaarinayo inay howshan la waregaan oo dalka Kenya ka soconaya  dhawaanna soo dhamaan doono” ayuu mar kale yidhi.

Hadalka wasiirku waxa uu beeninayaa wararki sheegayay in Shirkad dalk Japan ka dhisan ay ka fa’ideysatahay sharci darada ka jirta Somalia oo ay la waregtay furihii Netka ee dalka taas oo gudaha iyo dibadda Soomaaliyaba dhawaanahan hareeysay.
buhodlepost-Muqdisho

Fikrad Ka Dhiibo