|

XABAD JOOJIN LA DHEX DHIGAY BEELIHII DHAWAN KU DAGALAMAYEY GOBOLKA MUDUG

Odayaasha dhaqanka Gobolka Mudug  ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in xabad joojin ay kala dhex dhigaan beelihii ku dagalamay duleedka magaalada Gaalkacyo, oo dhalinyarada  Reer Magaalga ah eeGobolka Mudug u-bixiyeen dagaalkii (Kooxda Milan iyo Man-United)balse dhalinyarada Gaalkacyo ay ka wadaan (Reer Mahad iyo Sacad)

iyadoo maalmihii ugu dambeeysay duleedka magaalada Gaalkacyo ay gaarayeen Odayaal dhaqameedyo kasoo kale jeeda Waqooyaga iyo koofurta magaaladaasi si ay xal ugu gaaraan dagaalo halkasi ku dhexmaray Maleeshiyaad xoolo dhaqato ah oo isku haystay Ceel-biyood iyo dhul daaqsin oo halkaasi ku yaala ayaa hadana Odayaasha labada dhinaca waxaa ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen Maleeshiyaadkii dagaalamayay, kuwaasi oo ay kala hadleen sidii loo joojin lahaa xiisadaha dagaal ee halkaasi kasoo cusboonaaday.

Cali Diiriye Aloore oo ka mid ah guddi dhawaan gaaray deegaanadaasi islamarkaana uu magacaabay Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Korneel Max’ed Axmed Caalim  ayaa sheegay in Hishiiskii iyo xabad joojintii ay kala dhex dhigeen Maleeshiyaadkii(Kooxda Milan iyo Man-Uinted) ku dagaalamay duleedka Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta gobolka Mudug ay ku guulaysteen in ay damiyaan xiisadahaasi.

Dhinac kale ku dhawaad 3-ruux ayaa ku dhaawacantay qarax miino oo shalay galinkii dambe la kacay gaariga Soomaalida ay u taqaano Caro gadis xili uu marayay meel 3-KM duleedka bari ka xigta dagmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Qaraxa miino oo ay gaariga la kacday ayaa waxaa uu ahaa Miino ku aasneed dhulka Hoostiisa, waxaana labo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi shalay galinkii dambe loola cararay Isbitaal ku yaala magaalada Hargaysa ee Maamulka Somaliland

XIGASHO SHACABKAMEDIA

Fikrad Ka Dhiibo