Barcelona oo safar 4 saacadood qaatay bus iyo train iskugu martay ayaa Osasuna dhibcihii kaga soo qaadatay 3-0 sidaana ay wali ku tahay kooxda hogaanka Spanish league ku fadhida, halka Real Madrid ay 2 dhibcood u jirto hogaanka markii ay kooxda 10-ka ciyaartoy ku ciyaareysay ee Valencia ay 2-0 u dhiibtay.
2da gool waxaa Madrid u wada dhaliyay qeybtii danbe Cristiano Ronaldo wuxuuna sidaa ku yeeshay 16 gool xilli ciyaaredkaan, hal gool wuxuu ka sareeyaa Lionel Messi, kaasoo xalay gool u dhaliyay Barcelona.
Lionel Messi oo 2 ka mid ah 3daasi gool dhaliyay ayaa wuxuu sidaa ku yesshay 15 gool halka goolka 3aad uu u baasay Pedro Rodriguez sidaana uu ku dhaliyay, waxeyna guushaasi Barcelona u tahay 8aad oo isku xigya oo ay horyaalka ka hesho.
Real oo ka soo kabatay guuldaradii foosha xumeyd eek u dhacda Jose Mourinho, ayaa Cristiano Ronaldo wuxuu goolashiisa kala dhaliyay daqiiqadihii 72aad iyo 86aad , waxeyna Madrid guushaasi u tahay tii 7aad oo ay gurigeeda ku hesho horyaalka.
Ciyaarta Barca mar waxey ku sigatay in la baajiyo markii ay 45 daqiiqo dib u dhacday iyadoo lagu qasbay Barcelona iney isticmaasho safar dhulka ah si ay u gaarto garoonka Pamplona markii cariiri xagga diyaaradaha ah uu ka dhacay dalka Spain kaasoo ilaa jimcihii soo jiitamayay