Somalia : Fara galinta Shisheeye iyo nabaad guurka dhaqanka
)-Dalka Somalia waa dal Muslim ah oo ku yaala dhanka Bari e Qaaradda Africa, halkaas oo ah meesha ugu horeysa ee Cadceeda aroortu ay kasoo booqato Qaaradan Madow.
Dalkan waxaa ku nool dad dhamaantood Muslim ah. Wuxuuna leeyahay dhaqan soo jireen ah oo ku salaysan Islaamka. Kaasi oo dadkiisa si wayn looga dheehan jiray meel kasta oo ay tagaan.
Wuxuu xornimada ka qaatay gumeestayaashi galbeedka oo dhowr qaybood u kal qoqobay dalkan aadka u waynaa markiisi hore. Qaybta iminka loo yaqaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeedna waxay ka xorowday labadii gumeystee ee kala ahaa Talyaaniga iyo Ingariiska Sanadkii 1960-kii.
Hadaba qormadan waxaan jeclahay inaan ku ifiiyo dhaqanka Suuban ee dadka iyo dalkanba uu leeyahay iyo dhibaatooyin soo wajahay wixii ka dambeeyay markii uu dalkan lugaha la galay nidaam la’aan, albaabadisuna u furmeen shisheeyaha oo qaab kastaba kusoo fara galiyay.
Daba yaaqadii Qarnigii 20-naad, ama Sanadkii 1991-kii ayey burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, taas oo ay meesha ka saareen kooxo hubyesan oo isku uruursaday inay ridaan dowladaasi uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre oo ay ku heysteen inuu ahaa kaligii taliye nidaamki dalka marin habaabiyay.
Sida la wada ogyahay ridistii Xukumadda dhexe ee dalka ma noqon mid dhalisay wax wanaagsan, oo waxay dalki ka dhigtay mid kala qayb qaybsamay oo kooxiba ay meel gooni ah ka dagtay.
Burbur iyo barakac aan waligeed horay loo arag ayaa ka dhacay Somalia. Waxaana ka cararay Muqdisho oo madaxii dalka ahayd maalaayiinkii qof ee camirayay oo shisheeye ee Soomaaliba lahaa.
Inkastoo aanan dooneyn inaan ka hadalno burburkan oo caruurtu xitaa ay wax badan kala socdaan. Hadana waa muhiim in la ifiyo dhibaatada Soomaalida illaa iyo iminka heysata inay tahay mid ka dhalatay kuna dhamaanaysa burburkaas oo ma lahan sabab kale oo loo raacdo.
Laakin aan gudaha u galo qormada iyo danta laga leeyahaye, markii uu burburku dhacay wuxu dalku noqday mid aan lahayn wax xuduud ah oo kala celisa wanaaga iyo xumaha ama kala celisa dhaqanka Soomaalida ee wanaagsan iyo kooxaha neceb dhaqankaas oo habeen iyo dharaar u taagnaan jiray sidii ay dadkan Soomaaliyeed kaga dhigi lahaayeen dad aan lahayn wax dhaqan ah oo ku milma xumaha jira.
Waxaa bilowday fara galintii dad banayd ee shisheeyuhu ay ku samaynayen Somalia iyo mid aan dadbanayn oo toos ahba. Kuwaas oo ay ku jiren Ciidamadii UNISOM ee Soomaaliya yimid wax yar un ka dib markii ay dowladdii jirtay dhacday.
Ciidamadaas imaanshahooda iyo siyaasada ku qotonta ma ahan mida aan doonayno inaan ka hadalno. Laakin waxaa iska cad imaanshaha Ciidamdasi inay bilow u noqotay baa ba’a iyo nabaad guurka ku bilowday dhaqankii Soomaalida.
Sida ku cad Qur’aanka Kariimka, waxa uu illahay ku leeyahay Aayad ka mida Aayadaha karaameysan ee Qur’aanka oo macnaheedu yahay ( Hadii ay dadka xukunka doonayaa ama Muluukta ahi soo galaan Qaryo ama degmo, waxay ka dhigaan dadkii sharafta lahaa ee meeshaas kuwo duleysan ). Macnaha aayadanina waxay ku dabaq meysaa wadciga ka jira Somalia laga soo bilaabo waqtigaas ay dowladdu burburtay ama imaanshihi UNISOM illaa iyo iminka.
“ Waxaan goob joog u ahaa, UNISOM oo uruurinaysa caruurta Soomaaliyeed, bareysa dhaqamadooda qaarkood, si gaar ahna u beegsanaysa gabdhaha iyo haweenka oo ah meelaha ay umaddu ka jilcantahay” sidaa waxaa igu yidhi Oday waaya joog hore ah oo aan kala sheekeystay dabar-go’a ku socdo dhaqankii Soomaalida.
Dabar go’an ma ahan mid gudaha dalka un ka jira, laakin waxaan qormadan ku ifinayaa waxa ka jira dalka ee ah fara galinta Ciidanka u badan ee hadda taagan horayna usoo taagnayd oo la oran karo waa sababta ugu horeysa ee keentay inuu burburo ama baaba’o dhaqankii suubanaa ee Soomaaliya.
Waxay Soomaalidu tidhaa ( Run Sheeg, Waa Ceeb Sheeg). Balse taas ma ahan in wax kasta oo run ah indhaha laga daboosho, ee midaas badalkeda waxaa haboo in runta la ifiyo si loogu wada baraarugo.
Anigana waxan doonayaa inaan runta ku ifiyo qoraalkeygan iyo inta ay dhantahay aragtida aan qabo. Waxaana codsanayaa inaan ceeb loo qaadan runtaasi.
Runteydanina waxay ku bilaabanaysaa, dabar go’a dhaqanka Soomaalida wuxuu u soconayaa iminka si aan xad lahayn. Taas oo cid kasta oo ka war heysa ama arkeysa ay aad uga xumaanayso.
Gabdhaha Soomaalida oo waagi hore ahaa kuwo sharaf leh, kana dhowrsanaa in ay dhex galaan ama u dhawaadan ragga, ayaa iminka xaaladoodu ay aad isku badashay. Waxaadna arkeysaa iska daa raggi Soomaalida ahaaye in gabdhihi ayba Ajaanibta dalka joogta ee kala taagan safafka iska soo horjeeda ee dowladda iyo mucaaridka inay aad ula dhaqmayaan oo ay la fal galayan.
“ Waxaan joogaa Suuqa Xoolaha. Maalin kasta waxaan halkan ku arkaa wax laga xumaado . gabar Soomaaliyeed oo la socota nin shisheeye ah oo diin uu leeyahay aan la aqoon ayaan indhahayga saaraa maalin kasta. Taasna waxaa ka daran inta gabdho ah ee u dhaxa nimankan shisheeye ee looga sheekeeyay inay Muslimiin Mujaahidiin ah yihiin ayaa aad u badan” sidaana waxaan kasoo xigtayWiil diday magaciisa in la sheego amniga dalka awgiis oo aan qorista Qormadan dadka aan kusoo xiganayo inuu ka mid noqdo u gartay.
Anigoo jooga Xaafadda Gubta ayaa maalin waxaa dhacday in gabdho iyo dad kale oo badan la isku keeno. Waxaa inoo khudbeeyay qaar ka mida saraakiisha Shabaabka. Markii ay Khudbadi dhamaatayna waxaa la inoo keenay Saddex nin oo Cadaan ah. Waxaa la inagu yidhi waa mujaahidiin iminka ka timid dibada oo la doonayo in lagu daro gabdho Soomaali ah. Hal mar ayaa Sagaal gabdhood lasoo qabtay oo Saddex Saddex loo siiyay raggii” sidaana waxaa ii sheegtay Maryan gabar magaceeda kusoo koobtay oo ka mida dadka Muqdisho.
Arintan waxay cadayn u tahay in gabdhihi Soomaalida ay noqdeen kuwo si sharci daro iyo culeys la’aan ah loogu hibeeyay rag shisheeye ah oo waliba aan ku guursan sida diinta Islaamku ay qabto. Taas oo keeneysa in wax badan oo isbadal ah uu ku dhaco dhaqanki dalkan uu lahaa.
Marka laga tago guurinta xooga ah ee ay kooxaha Islaamiyiinta ah ku hayaan gabdhaha. Sidoo kale waxay Kooxahan diideen dhaqanki Suubanaa ee dalka oo waxay u aqoonsadeen mid sal ku leh Jaahiliyad iyo diin ka fogaasho.
Tusaale ahaan waxaa dhawaan la sheegay inay soo saaren Kooxahan amar lagu mamnuucayo in Odayaasha dhaqanku ay galaan arimaha lagu xalinayo khilaafaadka dadka ka dhex jira. Taasina waxay ahayd mid ka mida sifooyinka lagu sifeeyo dadka Soomaalida ah oo nabadda aad u jeclaa.
Ixtiraamki iyo qiimeynti Odayaasha dhaqanka ayaa ka suushay Koofurta Soomaaliya iyo Muqdisho . cid kasta oo sheegata Odaynimana wadxay muteysanaysaa in qoorta laga gooyo.
Marka aan Kooxahan iyo doorka ay ku leeyihiin burburinta dhaqanka dalka kasoo tagno. Dhinaca kale dowladda KMG ee Soomaaliya kuwa la safan ee Shisheeyaha ah ayaa iyaguna ah kuwa ugu badan ee dhulka galiyay dhaqankii wanaagsanaa ee Somalia.
Anigan qormadan qoray ayaa indhahayga ku arko maalin kasta Gabdho Soomaaliyeed oo koox koox u socda. Kuwaas oo galaya xeryahay ay ku suganyihiin Ciidamadan Uganda iyo Burundi ka socda. Halkaas oo waxa ay kasoo qabanayaanna cid kasta ay iyadu is waydiin karto jawaabtana sida ayu aragto u qaadan karto.
Gabdhaha kaliya ma ahane wiilasha Soomaaliyeed ayaa iyaga laftooda ka tagay dhaqanki dalka. Inkastoo soo qaadashada gabdhaha ee Qormadan aan kaga gol leenahay inaan ku muujino doorka Shisheeyaha dalka joogo ay ku leeyihiiin cirib tirka dhaqankan oo gabdhaha dhankooda ay kasoo marayan.
Isku soo wada duube dhaqanka Soomaaliyeed waa mid salkiisu adag yahay. Si kasta oo ay dunidu u doonto inay u burburisana ma ahan mid sidaas ku burburayay. Inta ay dad sharaf leh oo Soomaaliyeed oo gabdho iyo Wiilalba leh noolyihiinna dhaqankaani waa uu sii waarayaa.
Waxaan ugu soo gaba gabaynayaa qormadan Soomaalida aqrinaysaa, baaq ah inay u kacaan sidii ay usoo celin lahaayeen Sharafta dhaqankooda oo dhab ahaanti ah mid aad u qiimo badan oo cadawga dalkan iyo dalkan uusan doonayn inuu sii jiro.
Mahadsanidiin
Dalka Somalia waa dal Muslim ah oo ku yaala dhanka Bari e Qaaradda Africa, halkaas oo ah meesha ugu horeysa ee Cadceeda aroortu ay kasoo booqato Qaaradan Madow.
Dalkan waxaa ku nool dad dhamaantood Muslim ah. Wuxuuna leeyahay dhaqan soo jireen ah oo ku salaysan Islaamka. Kaasi oo dadkiisa si wayn looga dheehan jiray meel kasta oo ay tagaan.
Wuxuu xornimada ka qaatay gumeestayaashi galbeedka oo dhowr qaybood u kal qoqobay dalkan aadka u waynaa markiisi hore. Qaybta iminka loo yaqaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeedna waxay ka xorowday labadii gumeystee ee kala ahaa Talyaaniga iyo Ingariiska Sanadkii 1960-kii.
Hadaba qormadan waxaan jeclahay inaan ku ifiiyo dhaqanka Suuban ee dadka iyo dalkanba uu leeyahay iyo dhibaatooyin soo wajahay wixii ka dambeeyay markii uu dalkan lugaha la galay nidaam la’aan, albaabadisuna u furmeen shisheeyaha oo qaab kastaba kusoo fara galiyay.
Daba yaaqadii Qarnigii 20-naad, ama Sanadkii 1991-kii ayey burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, taas oo ay meesha ka saareen kooxo hubyesan oo isku uruursaday inay ridaan dowladaasi uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre oo ay ku heysteen inuu ahaa kaligii taliye nidaamki dalka marin habaabiyay.
Sida la wada ogyahay ridistii Xukumadda dhexe ee dalka ma noqon mid dhalisay wax wanaagsan, oo waxay dalki ka dhigtay mid kala qayb qaybsamay oo kooxiba ay meel gooni ah ka dagtay.
Burbur iyo barakac aan waligeed horay loo arag ayaa ka dhacay Somalia. Waxaana ka cararay Muqdisho oo madaxii dalka ahayd maalaayiinkii qof ee camirayay oo shisheeye ee Soomaaliba lahaa.
Inkastoo aanan dooneyn inaan ka hadalno burburkan oo caruurtu xitaa ay wax badan kala socdaan. Hadana waa muhiim in la ifiyo dhibaatada Soomaalida illaa iyo iminka heysata inay tahay mid ka dhalatay kuna dhamaanaysa burburkaas oo ma lahan sabab kale oo loo raacdo.
Laakin aan gudaha u galo qormada iyo danta laga leeyahaye, markii uu burburku dhacay wuxu dalku noqday mid aan lahayn wax xuduud ah oo kala celisa wanaaga iyo xumaha ama kala celisa dhaqanka Soomaalida ee wanaagsan iyo kooxaha neceb dhaqankaas oo habeen iyo dharaar u taagnaan jiray sidii ay dadkan Soomaaliyeed kaga dhigi lahaayeen dad aan lahayn wax dhaqan ah oo ku milma xumaha jira.
Waxaa bilowday fara galintii dad banayd ee shisheeyuhu ay ku samaynayen Somalia iyo mid aan dadbanayn oo toos ahba. Kuwaas oo ay ku jiren Ciidamadii UNISOM ee Soomaaliya yimid wax yar un ka dib markii ay dowladdii jirtay dhacday.
Ciidamadaas imaanshahooda iyo siyaasada ku qotonta ma ahan mida aan doonayno inaan ka hadalno. Laakin waxaa iska cad imaanshaha Ciidamdasi inay bilow u noqotay baa ba’a iyo nabaad guurka ku bilowday dhaqankii Soomaalida.
Sida ku cad Qur’aanka Kariimka, waxa uu illahay ku leeyahay Aayad ka mida Aayadaha karaameysan ee Qur’aanka oo macnaheedu yahay ( Hadii ay dadka xukunka doonayaa ama Muluukta ahi soo galaan Qaryo ama degmo, waxay ka dhigaan dadkii sharafta lahaa ee meeshaas kuwo duleysan ). Macnaha aayadanina waxay ku dabaq meysaa wadciga ka jira Somalia laga soo bilaabo waqtigaas ay dowladdu burburtay ama imaanshihi UNISOM illaa iyo iminka.
“ Waxaan goob joog u ahaa, UNISOM oo uruurinaysa caruurta Soomaaliyeed, bareysa dhaqamadooda qaarkood, si gaar ahna u beegsanaysa gabdhaha iyo haweenka oo ah meelaha ay umaddu ka jilcantahay” sidaa waxaa igu yidhi Oday waaya joog hore ah oo aan kala sheekeystay dabar-go’a ku socdo dhaqankii Soomaalida.
Dabar go’an ma ahan mid gudaha dalka un ka jira, laakin waxaan qormadan ku ifinayaa waxa ka jira dalka ee ah fara galinta Ciidanka u badan ee hadda taagan horayna usoo taagnayd oo la oran karo waa sababta ugu horeysa ee keentay inuu burburo ama baaba’o dhaqankii suubanaa ee Soomaaliya.
Waxay Soomaalidu tidhaa ( Run Sheeg, Waa Ceeb Sheeg). Balse taas ma ahan in wax kasta oo run ah indhaha laga daboosho, ee midaas badalkeda waxaa haboo in runta la ifiyo si loogu wada baraarugo.
Anigana waxan doonayaa inaan runta ku ifiyo qoraalkeygan iyo inta ay dhantahay aragtida aan qabo. Waxaana codsanayaa inaan ceeb loo qaadan runtaasi.
Runteydanina waxay ku bilaabanaysaa, dabar go’a dhaqanka Soomaalida wuxuu u soconayaa iminka si aan xad lahayn. Taas oo cid kasta oo ka war heysa ama arkeysa ay aad uga xumaanayso.
Gabdhaha Soomaalida oo waagi hore ahaa kuwo sharaf leh, kana dhowrsanaa in ay dhex galaan ama u dhawaadan ragga, ayaa iminka xaaladoodu ay aad isku badashay. Waxaadna arkeysaa iska daa raggi Soomaalida ahaaye in gabdhihi ayba Ajaanibta dalka joogta ee kala taagan safafka iska soo horjeeda ee dowladda iyo mucaaridka inay aad ula dhaqmayaan oo ay la fal galayan.
“ Waxaan joogaa Suuqa Xoolaha. Maalin kasta waxaan halkan ku arkaa wax laga xumaado . gabar Soomaaliyeed oo la socota nin shisheeye ah oo diin uu leeyahay aan la aqoon ayaan indhahayga saaraa maalin kasta. Taasna waxaa ka daran inta gabdho ah ee u dhaxa nimankan shisheeye ee looga sheekeeyay inay Muslimiin Mujaahidiin ah yihiin ayaa aad u badan” sidaana waxaan kasoo xigtayWiil diday magaciisa in la sheego amniga dalka awgiis oo aan qorista Qormadan dadka aan kusoo xiganayo inuu ka mid noqdo u gartay.
“Anigoo jooga Xaafadda Gubta ayaa maalin waxaa dhacday in gabdho iyo dad kale oo badan la isku keeno. Waxaa inoo khudbeeyay qaar ka mida saraakiisha Shabaabka. Markii ay Khudbadi dhamaatayna waxaa la inoo keenay Saddex nin oo Cadaan ah. Waxaa la inagu yidhi waa mujaahidiin iminka ka timid dibada oo la doonayo in lagu daro gabdho Soomaali ah. Hal mar ayaa Sagaal gabdhood lasoo qabtay oo Saddex Saddex loo siiyay raggii” sidaana waxaa ii sheegtay Maryan gabar magaceeda kusoo koobtay oo ka mida dadka Muqdisho.
Arintan waxay cadayn u tahay in gabdhihi Soomaalida ay noqdeen kuwo si sharci daro iyo culeys la’aan ah loogu hibeeyay rag shisheeye ah oo waliba aan ku guursan sida diinta Islaamku ay qabto. Taas oo keeneysa in wax badan oo isbadal ah uu ku dhaco dhaqanki dalkan uu lahaa.
Marka laga tago guurinta xooga ah ee ay kooxaha Islaamiyiinta ah ku hayaan gabdhaha. Sidoo kale waxay Kooxahan diideen dhaqanki Suubanaa ee dalka oo waxay u aqoonsadeen mid sal ku leh Jaahiliyad iyo diin ka fogaasho.
Tusaale ahaan waxaa dhawaan la sheegay inay soo saaren Kooxahan amar lagu mamnuucayo in Odayaasha dhaqanku ay galaan arimaha lagu xalinayo khilaafaadka dadka ka dhex jira. Taasina waxay ahayd mid ka mida sifooyinka lagu sifeeyo dadka Soomaalida ah oo nabadda aad u jeclaa.
Ixtiraamki iyo qiimeynti Odayaasha dhaqanka ayaa ka suushay Koofurta Soomaaliya iyo Muqdisho . cid kasta oo sheegata Odaynimana wadxay muteysanaysaa in qoorta laga gooyo.
Marka aan Kooxahan iyo doorka ay ku leeyihiin burburinta dhaqanka dalka kasoo tagno. Dhinaca kale dowladda KMG ee Soomaaliya kuwa la safan ee Shisheeyaha ah ayaa iyaguna ah kuwa ugu badan ee dhulka galiyay dhaqankii wanaagsanaa ee Somalia.
Anigan qormadan qoray ayaa indhahayga ku arko maalin kasta Gabdho Soomaaliyeed oo koox koox u socda. Kuwaas oo galaya xeryahay ay ku suganyihiin Ciidamadan Uganda iyo Burundi ka socda. Halkaas oo waxa ay kasoo qabanayaanna cid kasta ay iyadu is waydiin karto jawaabtana sida ayu aragto u qaadan karto.
Gabdhaha kaliya ma ahane wiilasha Soomaaliyeed ayaa iyaga laftooda ka tagay dhaqanki dalka. Inkastoo soo qaadashada gabdhaha ee Qormadan aan kaga gol leenahay inaan ku muujino doorka Shisheeyaha dalka joogo ay ku leeyihiiin cirib tirka dhaqankan oo gabdhaha dhankooda ay kasoo marayan.
Isku soo wada duube dhaqanka Soomaaliyeed waa mid salkiisu adag yahay. Si kasta oo ay dunidu u doonto inay u burburisana ma ahan mid sidaas ku burburayay. Inta ay dad sharaf leh oo Soomaaliyeed oo gabdho iyo Wiilalba leh noolyihiinna dhaqankaani waa uu sii waarayaa.
Waxaan ugu soo gaba gabaynayaa qormadan Soomaalida aqrinaysaa, baaq ah inay u kacaan sidii ay usoo celin lahaayeen Sharafta dhaqankooda oo dhab ahaanti ah mid aad u qiimo badan oo cadawga dalkan iyo dalkan uusan doonayn inuu sii jiro.
Iyadoo ay taas sii dheer in ay Qormadu beegsanayso in la iftiimiyo weerarka lagu hayo dhaqanka dalkan si dadkiisa aan ogayn ay u ogaadan ugana gaashaantaan.
Mahadsanidiin