|

Hawlgalada ay wado Dowlada Kenya oo galay habeenkii Labaad.

Waxaa habeenkii labaad galay hawl galo ay wado Dowlada Kenya kaas oo ah mid amniga lagu sugayo  hawl galkan ayaa inta badan laga wadaa xaafadda Eastleigh oo ah meesha ay u badan tahay Soomaalida Qoxoontiga ku ah wadankaas.  Habeenkii xalay ahaa ayey  ciidamada wadankaasi gaafwareegayee Maqaaxiyaha iyo goobaha cawayska, waxaanse illaa hada la ogayn wax dada oo ay u taxaabeen xabsiyada kala duwan ee magaalada Nairobi.

Wallow Soomaalida ku dhaqan wadankaas ay dhagtoodu taagan tahay kana cabsi qabaan inay hawshani sii socoto.  Hawlgaladan ay fulinayaan Ciidamada amnigu ayaa daba socda markii isbuucan bilowgiisii Xaafadda Eastleigh lagu dilay Sarkaal ka tirsan Dowlada Kenya kaas oo lagu tuuray bomba gacmeed

Buhodlepost.com

A/llahi Jama

Fikrad Ka Dhiibo