|

Dhinacyada bulshadda Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey dib u soo celinta Milkiyadda dhismaha Safaaradda Somalia ee Kenya

yadoo Shalay Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ay shaaca ka qaaday in la go’aamiyay in dib gacanta loogu galiyo dowladda Soomaalida milkiyadda dhismaha ay daganayd Safaaradda Somalia ee dalkaas oo mudo fara badan la isku heystay ayaa waxaa soo baxayay dhinacyo fara badan oo arintaas soo dhaweeyay.

Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna kuwooda ku dhaqan Muqdisho ayaa aad ugu farxay goaanka dib loogu soo celiyay Somalia Milkiyadda Safaaradi dalka ee ku tiilay Kenya. Waxayna tallaabadaas ku timaameen mid aad u wanaagsan oo mudan in looga mahad celiyo dadkii gacanta ka geeystay.

Dhinacyada ay Shabakaddan la hadashay si ay u ogaato aragtiyadooad ku wajahan tallaabadan waxaa ka mida Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somalia, Ganacsato, Waxgarad iyo dhinacyada kale ee bulshadda. Waxayna dhamaantood ku sheegeen soo celinta milkiyadda dhismaha Safaaradii dalkeena uu ku lahaa Kenya mid aad u wanaagsan.

“Waa arin mudo badan la sugayay inay dhacdo. Waxaana lenhaya ciddii ka dambeysay inay howshan fududaato waa ay ku mahadsantahay” sidaana waxaa yidhi Nabadoon Cali Gaabow Xaashi oo ka mida Waxgaradka Muqdisho.

Sidoo kale Mudanayaal Barlamanka ka tirsan oo aad u fara badan ayaan Telfoonka kula xiriirnay si ay bal uga waramaan aragtida Xildhibaanada ee arintan. Waxayna ku sheegeen mid wanaagsan oo in lagu farxo mudan.

Si kastaba ha ahaatee Shalay ayaa go’aan kasoo baxay Maxkamadda sare ee dalka Kenya waxaa lagu shaaciyay in lasoo dhameeyay dood in mudo ah ka taagnayd milkiyadda dhismaha Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya. Taasi oo Sanadkii 1994-tii lagu wareejiyay ganacsade Kenya u dhashay oo illaa iyo markaasna sheeganayay inuu dhulkaasi isaga leeyahay.

Hadda waxaa si buuxda Safaaradda ula wareegaya Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi KENYA Nydabe Naxaned Cali America oo in mudo ah shaqadda Safaaradda guriyo aan rasmi ahayn ku waday.

www.buhodlepost.com

emailbuhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo