GO AAMO HORDHAC AH O KASOO BAXAY SHIRKII MAYGAAGLE
waxaa maanta go,aan laga soosaaray shirkii nabadaynta ee maygaagle kaasoo mudo halkaas uga socday labada beelood ee qorulugud iyo buuhoodle sidaan wada ognahay labada beelood oo loo soo dhexdhigay in ay qaatan shareecada,
markaasina ay sheegen gudigii inay taa ku dhexdhexaadinayaa ayaa markaasi qaaten labada dhinac ba inay ay diyaar u yihii shareecad waxaana howsha loo xilsaaray sagaal xubnod oo maxkamada ah ku waasoo dacwada qaadaya.shalay ayay ahayd markii ay qaaden makhraatigii buuhoodle looga baahnaa oo isagu cadeeyay in ay beesha dhulbahante lahaayen baliga kuna dhartay,
makhraatiyadii dhinaana waxaa lagu buuxiyay dhaar yadoo saaka inta uuna jaajmanku dhici ladhaariyay labo oday oo ka soo jeeda dhinaca buuhoodle oo cadeeyay in dhulbahante lahaa laguna dhaariyay intaa dabadeed waxaa kac day maxkamdii oo mudo na kamaq nayd golihii waxaana ay soo galeen yagoo markaasi sitoosa hawsha ubilaabay sheegayna in ay xukunka ridayaan
, hadaba sida tan ayay ahayd,
ku labada beelood beesha qorulugud iyo buuhoodle og dhamaan salaadiinta cuqaasha boqorada ujeedo go ,aan xukuna ee shaqaaqadii kalshaale hadii aanu nahay gudiga garsoorka ee hoos ku saxeexan wax ay kalsooni buuxda noosiyeen labada beelood ee qorulugud iyo buuhoodle oo ay wakiili dacwo u ahaayen sheekh saleban maxamed jaamac. cali c/ cali .c/raxmaan axmed diiriy. waa dhinaca buuhoodle, caaqil cali cadaani cali. cismaan ibraahim warsame.aadan warsame cawad. beesha qorulugud inaanu shareecada ku kala saarno arimaha ay isku hayaan oo kala ah sidan,
A.dhimashadii dhaawacii iyo hantidii kukala luntay shaqaaqadii dhexmartay labada beelod,
qaybta B sidan B.lahaanshaha baliga kalshaale iyo nawaaxigiisa markaanu dhagaysanay dacwada labada beelood markaanu tagnay goobtii ay isku hayeen ee kalshaale markaanu dhagaysanay qiraalka dhimashada iyo dhaawaca markaanu doododii ubadhignay shareecada kana baaran dagnay markaanu hubin ku samaynay deeganada beelhan waxaanu go.aaminay sidan,
1in tobankii nin ee ay kala dileen oo todoba ahaayen beesha qorulugud sedexda kalana beesha buuhoodle laga bixiyo mag culus oo ah ninkiiba 100 halaad 40 riman 30 qaalmod 5 jira iyo 30 qaalmod oo 4 jira bixintuna tahay magdharaared,
2in raga dhaawacmay labada dhinac ay kala xaqdaan marka ay bogsadaan kuwaas oo kala ah beesha buuhoodle 3 nin beesha qorulugudna 6,
3in waxii hantiya ee sugma waxaa sugan 4 qori iyo mashiin beelwaliba u celiso beesha kale. 4 in beelina sigaara u lahayn baliga kalshaale islamarkaana ay wadaa gaan daaqa iyo biyahaba,
5in beesha buuhoodle ay xaq uleedahay in ay ka qodoto 3 barkadood beesha kalena ay sedexdii hore uun leeyihiin wax kalena aan laga qodi karin,
hadaba waxaa intaa ka dib kacay labo isin oo kasoo jeeda dhinaca buuhoodle
sheegayna inay dacwad kaqabaan xukunkan lada isna
garaad c/laahi garad soofe iyo suldaan siciid cismaan cali,
hadaba wixii coda gadaal ayaan idinku soo gudbinaynaa iyo vedio ah








xamse xasan geelle
buuhoodle somaliya
hadaan ka hadlo fakarkayga waxaan caqliga galin karin in gudiga dhexdhexaad ka ah ay go,aamiyaan inay beelaha is hayaa wada dagaan waxay fakarkayga yahay inaysan ahayn dhexdhexaad ee ay u xaglinayaan dhinac taasina ma surrto galayso
Aniga waxay ila tahay,gudiga hadii la aaminay ,oo ay shareeco u eegeen,
La qaato xukunka ,waayo gardiid waa alle diid ,hadii uu madmadow ku jiro dadka
Wax xukumayna oo aan raali lagu ahayn markii horeba in loo dhiibto may ahayn
Kolay go,aankay soo saareen ,culumadu waxay yidhaahdeen shareco ayaan ueegnay
Marka ilma haboona caadifad ,waa in si miyer qabta loo weydiiyaa culumadeena sida
C/naasir x,axmed oo kale ,culumadu waxay xukuntay sax ma tahay mise maya.
Markaa arinta yaan weji kale oo dadka dhibaato ukeena looga faa,iideysan