|

Liverpool Oo Doneysa Inay La Soo Wareegto Ronaldinho

Liverpool ayaa ku soo biirtay kooxaha doonaya inay la soo wareegaan kubad sameeyaha kooxda Ac Milan iyo xulka dalka Brazil Macalimuu Ronaldinho oo mustaqblkiisa Ac Milan uu mugdi sii galayo.

30 jirkaasi reer Brazil oo loo qabeeyay kubad wanaaga ayaa xilli ciyaareedkani uusan si wanaagsan uga qeyb qaadan, waxaana maclinka Ac Milan  Massimiliano Allegri, oo ka doorbiday bedelkiisa ciyaaryahan Robinho.

Ronaldinho oo aana inta badan kulamo badan aan safan ayaa warar talyaaniga ka soo baxaya oo jariiraduhu qorayaan ay sheegayaan inuu bisha January doonaya inuu isaga tago kooxda Ac Milan.

Itasportpress ayaa sheegtay in Liverpool ay indhaha ku heyso laacibkii hore ee kooxda barcelona, iyadoo macalinka kooxdaasi Roy Hodgson uu raadinayo ciyaaryahan xirfad leh oo ka garab ciyaara ciyaaryahan Fernando Torres.

Ronaldinho ayaa xor noqon doona wixii ka danbeeya bisha June oo waxaa lagula soo wareegi karaa lacag la’aan taasoo isaga u baneeneysa inuu la xaajoon karo kooxdii uu doono, inkastoo Milan ay ku qalqaalineyso inuu heshiis cusub saxiixo.

Kooxaha dooonaya oo ay haatan Liverpool ku soo biirtay ayaa waxaa ka mid ah kooxda Mareykanka ee Los Angeles Galaxy  iyo koox badan oo ka dhisan dalkiisa Brazil.

Fikrad Ka Dhiibo