|

Madixii WikiLeaks oo isu dhiibay booliska London(Waa Kuma Julian Assange?)

Waxaa maanta isu dhiibay booliska magaalada London madixii barta internetka ee “WikiLeaks” Julian Assange kaasoo maalmahanba ku jiray liiska dadka uu baadi-goobayo booliska aduunka ee Interpol.

Julian Assange ayaa dowladda Swedan ku eedeysay faraxumeyn gabdho, waxaana la galiyay liiska booliska aduunka xilli uu soo xaadiri waayay maxkamad loogu yeeray magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Swedan.

Assange ayaa horay u sheegay in eedeynta loo haysto ay tahay mid siyaasad la xiriirta balse uu diyaar u yahay xilli walba in uu la shaqeeyo booliska Swedan.

“WikiLeaks”, webka uu madaxda ka yahay ninkani ayaa ku caan baxay baahinta sirta dowladaha aduunka oo ay u badan tahay tan Mareykanka taasoo uu si weyn uga qeyliyay Mareykanka.

Sirta uu baahiyay ayaa sidoo kale shaki kala dhex dhigtay madaxda aduunka iyo dowladaha, waxaana meesha kasoo baxday in la isku dhaqo siyaasad ka duwan tan banaanka ay ku sheekeystaan.

Julian Assange iyo webkiisaba ayaa waxaa la saaray culeys dhan walba ah tan iyo markii uu bilaabay baahinta sirta, waxaana lagu furay shaqaaqooyin badan oo xagga horusocodka webka ah iyo dhaq-dhaqaaqiisaba.

Webkiisa ayaa laga soo weeraray jiha walba, waxaana laga xiray dhamaan goobihii dhaqaalaha ugu shubayeen akhristayaashiisa.

Mudooyinkii dambe ayuu Julian Assange ku jiray dhuumad magaalada London dhexdeeda ah, waxaana ugu dambeyn taasi sababtay in uu maanta isu dhiibo booliska London.

Waxaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamadda Westminster Magistrates Court oo ku taal magaalada London.

Dhowr jeer ayaa loogu hanjabay dil isaga iyo xigtadiisaba

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo