|

Chelsea Iyo Ac Milan Oo La Garaacay, Real Madrid iyo Arsenal Oo badiyay

Kooxd Arsenal oo Ku Jira Groupka H ayaa u soo baxday wareega 16 ka dib markii ay 3 iyo 1 ku durduriysay kooxda Partizan Belgrade, Gool rigoore ahaa oo uu dhaliyay Van Persie, ayay hogaanka ku qabatay Arsenal ka hor inta aan la barbareyn daqiiqadii 52aad, balse Walcott oo bedel ku soo galay ayaa u labeeyay, waxaase kooxda Belgarde niyada ka dilay ciyaaryahan Samir Nasri oo goolkii 3aad ka dhaliyay.

Arsenal waxa ay ku soo baxday booska labaad waxaana, groupkeeda kaalinta kowaad ka gashay kooxda Shakhtar Donestki oo caawa 2 gool iyo waxba kaga badisay kooxda Braga, Arsenal ayaa kulankeedan Emirates ka dhacay waxa uu ahaa mid adag iyagoo ku hari karay hadii caawa laga badin lahaa.

Arsenal ayaa noqoneysa kooxda kaliya ee Ingariiska ka socota oo ku soo baxda booska labaad iyadoo kooxaha Manchester United, Chelsea, iyo Tottenham ay ku soo baxeen booska kowaad

Fikrad Ka Dhiibo