DADKA SOOMAALIYEED DHIIGOODU MIYUU KALA QAALISAN YAHAY.
Waxaan filayaa in su’aalsha kor ku qaran ay dad badan oo Somali ahi is waydiin karaan ama ay maskaxdooda ku dhexwareegto Waxbadan, mahan in aan aniga u arko in dadka Muslimka ah ama Somalidaba ahi kala qaalisan yihiin. dadka islaamka ahi dhiigooda waa isku mid qiimo iyo sharaf ayey leeyihin mana kala sareeyaan oo taas alle ayaa simay.
Sida dad badan la socdaan xaalada Somaliya maanta kujirto waa mid dadka dhan u muuqata oo banaanka taal.sida wax u Socdaan Ama xaalku maanta yahay.hadii aad sifiican xaalada Somaaliya u dhuuxdo ama aad u fiiriso guud ahaan ama gaar Ahaan meelaha Dhibka badani kajiro. waxaa kuu soo baxaya sida xaalku maanta yahay,
Dalka Somaliya hadii aan maanta dhab u fiirino guud ahaan, waxaa inoo soo baxaya kala duwanansho wayn sida dadku u Noolyahay ama dhaqanku yahay,waxaa lasheegaa in Ummada Somalida ahi wax badan wadaaagaan sida Diinta Afka Dhaqanka. lakin Inta badan lama raadsho kala duwanaashaha u dhexeeya sida loo kala noolyahay. dadkasta ama magaalo kasta ama deegaan kasta si Iyaga U gaar ah ayey u noolyhiin oo waxkasta oo ku yimaada u xaliyaan,hadii layiraahdo waxay iskagamidyhiin arimaha qaar, Waaxa jira waxyaalo ay ku kula duwan yihin.
Dhaqanka ummada Somalida ah hadaad u fiirsato waxbadan ayaa kuu soo baxaya oo ah kala duwanaasho,tusaale ahaan haadan u soo Qaato Dhulka Somalida qaarkiis ama aan dhehee shacabka ku nool koonfurta Somalia kama jirto waxa looyaqaan hoggaan Dhaqan oo ixtiraam badan umada Ku dhexleh. hadii ay jiraana ma badna ama miisaan wayn kumaleh umada dhexdeeda uma badna Inaad aragto nin oday ah oo Caaqil ku magacaaban ama duub kaleba oo dadka dhan usoo joogsanayaan oo hadiii uu tallo guddoonsho Ay qasab tahay in dadka oo dhan ku racaan oo aan laga dabo hadlin. halka meelo ka mid ah dhulka Somalida dhaqanku miisan Badan Ku leeyahay ama uu yahay qofka kaliya ee umada dhexdeeda xushmada ugu saraysa iskaleh inuu yahay hogaanka Dhaqanka oo Hadii uu arin soo jeedsho lagu gudoonsado oo cid kadahadli kartaa aysan jirin,
Hadii aan u soo laabto su’aalsha ah dhiiga dadka Somalida ahi miyuu kala qaalisan yahay.dhab ahantii ma’ahan inaan aniga Aaminsanahay in dadka Somalida ah ay kala qaalisan yihiin ama dhiigoodu kala qiima badan yahay sidan horey usheegay. laakiin Dhab ahaantii wax sidaas u muuqda ayaa maanta indhaheenu arkaan amaba horteena yaal.
Sida dad badani la socodo waaxaa baryahan danbe dhulka Somalidu degto ka soo cusboonaaday daagaalo badan oo qaarba waji Lahaayeen, oo ka dhacay meelo badan oo ka tirsan gayiga Somalidu ku noolshahay oo isku soo beegmay.
Hadii aan tusaale u soo qaato ama aan wax ka fiirsho meelaha dagaaladu ka dheceen. kuwii ugu danbeeyey waxa ka mid ahaa Kuwo ka dhacay. Gobolka Togdheer, Mudug Galgaduud iyo Muqdiso oo iyadu hadda u Muuqata faraha lagaqaad.
Hadii aan gobol gobol isu dultaago meelaha wax ka dheceen baryahan danbe iyo sida xalnabadeed looga raadshay .sidan ayaa wax U dheceen.
Fiiro gaar ah: meelaas aan gaar u soo qaatay waa tusaale guud lakiin maahan in iyaga kaliya dhibku ka jiro
Gobolka Togdheer.
Waxaa maalintii bishu ahayd 16.11.2010. dagaal dad badani ku dhinteen ka dhacay tuulo looyaqaan Kalshaale halkaas oo Ay Ku dhinteen dad lagu qiyaasay ilaa 10 qof, markii arinku saas u dhacay dadkii degenaa dhulkaaas dhibku ka dhacay way isu tageen. si Dhibka dhacay wax looga qabto. waliba si aan la qiyaasi karin ayaa hawlishii loogalay.waliba dadku waxay iskaga yimaadeen dhulala fog fog oo aan laqiyaasi karin, waliba dadka u soo gurmaday meesha waa dadkii dadka indhaha u ahaa. meelkasta waxa Ka yimid qofkii la islaaha kan ayaa maanta howsha ku haboon hadii uu ahaan lahaa hoggaan dhaqan. ama masuul Dawladeed. ama aqoonyahan. lama soo koobikaro sida howsha logalay.towfiiqda Allaa leh ama in howsha lagu guulaysto. laakiin dadku waxbadan ayey isku dayeen in wax laga qabto oo xalnabdeed la Gaadho..Somaliduna waxay hore u tiri wixii rag u koco rabina aqbalo waa rumoobaan.arinta halkaasi ka dhacday waxaan oran karaa Looma kala harin. dhib la’aan dheefi matimaado. hadii aan la isku hawlin meesha guul lagaadhimaayo,gacmo iswaydaartay ayay Galladi ka dhalataa.
Sool iyo Nugaal.
Sida dad badani la socdo halka ay iska galaan gobolada Sool iyo Nugaal ” Cagaare” ayaa waxa ka dhacay dagaalo u dhexeeyey ay isku beelo wada daga halkaas. beelaha meelsha isku farasaaray waxa soo kala gaadhay dhib badan oo aan yarayn. dadkii dhulkaas ku noolaa waxaa u kacay qaar Ama qayb ka mid ah oo aan u dhigmin sidii loogu kacay colaadii gobolka Togdheer, laakiin meeshan iyada ah Dad isu taagay way jiraan oo nabad ka raashay hadii aan isu miisaamo waxaan oran karaa sida nabadeyntaan loogu kacay way ka heer hooseysay sidii loogu kacay nabadeyntii Togdheer.
Mudug
Dhinaca waqooyi bari ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacay dagaalo dad badani naftoodii qaaliga ahayd ku waayeen. ogsoonaw dhacdoonyankan aan ka hadlayo Waa isku mar isku xili ayey dheceen maahan xiliya kala fog Geeso lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa. dadkii deegaankaas kunoolaa Markii dhibkii dhacay ee loo baahnaa in markiiba la isu taago oo wax laga qabto waxaad moodaa in arinku yahay ninkii Dhaga qabo usheeg.Afkuna waa sad ama waa wax tar.dadka isu tagay in ay hawshaa wax wax ka qabtaan aad bay u kooban yhiin hadii Aan qiyaas sameyo dadka isku howlay in mashaqadaas la gabagabeeyo way ka sii yar yihiin kuwii isu taagay nabadeynta Cagaare. inta badanna waa ururo Dhalinyaro oo idaacada iyo meelahaas ayey ka hadleen oo ay sheegeen in wax laga qabto inta goobta tagtay way yartahay.
Gobolka Galgaduud
Isla baryahaa mashaqadu ka dhacday meelahaas aan soo sheegnay. waxaa dagaalo ka dhacayeeen. meelo Badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud sida cadaado, iyo deegaano ku dhaw oo ay ka dheceen dagaal-beeleedyo nafo badan ku bexeen. Waxaa kale oo jiray daalo lagu hoobtay oo u dhexeeyey xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo ururka Ahlu Suna Waljamaaca.dagaalada aan soo sheegaynay. laga soo bilaabo Todheer ilaa hadeer Khasaaruhu wuxuu ka badan yahay mid walba kii ka horeeyey. tusaale ahaan dagaalka ka dhacay Mudug waxa ka khasaare badan kan ka dhacay Galgaduud.
Gobolkan Galgaduud dagaalada ka dhacay waxaad moodaa in aan cidba ka war hayn oo aan dhag jalaq loo siin oo dadka Intaas le’eg ee dhimanaya ama dhibku soo gaadhay aan cid u kacday ama cid wax ka qabatay ay yartahay.hadii aan qiyaastaydii Sameeyo gobolkan nabadeyn dhif ah ayaa ka jirta amaba kamaba jirto.
Gobolka Hiiraan. sidoo kale waxaa ka dhacay dagaalo u dhexeeya dowladda KMG ah iyo Shabaabka, marar kale ahlu suna waljamaaca ayaa dagaalada ka qeyb qaata waxaana ku dhinta dad badan oo Soomaali ah, cid isku howsha xalintoodana maba jirto, dagaaladu waa dhacaan dadkuna waa dhintaan, horey ayaana looga sii socdaa.
Hadii aan Muqdisho nimaadno waaxad maalinkasta arkaysaa Dad badan oo dhimanaya oo dagaal ku hoobanaya oo aan cidi wax Ka qabananayn oo aadan arkayn dadkii deegaankaas oo cid u kacday aysan jirin. leys mana weydiiyo xal u heli dooda, walow halkan Muqdisho ay ku dagaalamaan fikrado banaanka ka kala yimid.
Hadaba maxaa sababay in 10kii qof ee ku dhintay Kalshaale Ay dad badan ka qayb qaatan colaada daminteeda . halka 10 ka qof ee maaalinkasta ku dhimana Muqdisho aan laba cali Iswaydiin waxay ku dhimanayaan. ma dadka ayaa dadka ka qaalisan? mise dadka nool ee dhulkaas ku dhaqan ayaa dadku u kala qiimeysan yahay dhiigooda. Somalidu waxay tiri caano daatay dabadood la qabay. hadii arinka ka jira Koonfurta Somaliya si dhab ah wax looga qaban lahaa oo dadka waxgaradka ahi u kici lahaayeen.xalbaa laga gaadhi kari lahaa. howl karnimo waa hooyada Guusha. abwaan hore ayaa yiri “buurwayn oo macaluulshay ma labaanan karaa?, hadda xamar oo macaluushay ma Labaxnaaninkaraa?. abwaan kale oo u jawaabay ayaa wax uu yiri “.buurwayn oo macaluushay kol hadii boqor eexdo waa buurwayn oo Macaluulshay lama baanan karaayo”. waxaan oran karaa waxgaradka iyo guurtida koonfur joogaa ayaa ka gaabiyey waxqabad oo Dadkoodii hagraday in dhibka laga gudbo,markaa dad waynaha Somaliyeed gaar ahaan dhanka koonfur waa in howsha si dhab ah wax uga qabtaan.
Gabagabada qormadeena.
Aamusnaan waa ogolaanso barkeed hadii dadka dhulkaas ku nool “koonfurta” ay ka aamuseen colaada miyeysan u muuqan anay ogolyihin.Ama raali ka yihiin sida wax u socdaan
Dabcan waa jiraan dad badan oo ka xun in arinku saas u dhacay oo wax laga qaban waayey.laakin inta yar ee dhibka wada ayaa Haboon in la is hortaago. Baruur keliya baa baruuro qurmisa.dhibka inta uu cusub yahay hadii aan laga hortagin oo aan wax laga qaban ma marka uu fogaado ayaa laga dabo tagin?, budee inta birtu kululshahay ( Strike while the iron is hot) Howlshu marka ay taagan tahay waa in loo guntadaa oo si mugleh loogu kacaa
QR.. DAHIR YUSUF ALAAS