TIRO DAD SOMALIA AH OO LAGU XIDHXIDHAY UGAANDA
Kampalla-10-10-(buhodlepost)-Wararka naga soo gaaraya wadanka Uganda ayaa sheegaya in illaa 50-Qof dad kor u dhaafaya oo Soomaali u badan lagu qabqabtay wadaknaasi. Xilli ay howgalo sameeyeen Ciidamada Booliska ee dalkaasi.
Dadkan la qabqabtay ayaa waxay ka mid ahaayeen Soomaalida ku dhaqan magalada Caasimada u ah Uganda ee Kampalla. Waxaana lagu qabtay howlgalo ay Illaa Shalay Ciidamada Boolisku samaynayeen.
Xaafadaha ay Soomaalida u badanyihiin sida Xaafadda lagu magacaabo Kisinya ayaa waxay Ciidamadu ka wadaan roondo xoog leh oo ay ku baadi goobayaan kuna qab qabanayaan dadka. Walina lama oga sababta keentay arintan.
Laakin waxaa loo malaynayaa qabqabashadad dadkan inay daba socoto qaraxii kal hore ka dhacay Kampalla oo ay mas’uuliyadeeda sheegatay Kooxda Alshabab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Tan iyo markii uu qaraxaasi dhacay Bishii July ee Sanadkan ayeey Ciidamada Uganda qabteen boqolaal qof oo Soomaali ah. Inkastoo badankood dadkaasi lasii daayay markii wax dambi ah lagu waayay.
Balse wali waxaa jira dad Soomaaliyeed oo Xabsiyada baaqi kusii ah. Dowladda Ugandana waxay sheegtay inay cid kasta oo aan dambi lagu hayn sii dayn doonto.
Dadkan u dambeeyay ee la qabqabtay wali wax war ah oo arintooda ku saabsan kama soo bixin Booliska. Hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in Booliska ay wadaan baaritaano joogto ah oo mararka qaarna xoogeysta, tan iyo markii qaraxa uu ka dhacay halkaasi.