|

Madaxweyne faroole iyo Ilka jiir oo khilaaf soo kala dhex galay(war bixin)

Madaxweyne faroole iyo Ilka jiir oo khilaaf soo kala dhex galay

Madaxweynaha puntland C/raxmaan maxamad maxamuud iyo wasiirkiisa arimaha gudaha C/laahi axmed jaamac ilka jiir oo ayaamihii u dameeyay safaro ku kala bixinayey nairobo, dubai iyo kuweit, ayaa la sheegayaa inuu soo kala dhex galay khilaaf.

Waxaa wararku sheegayaan in khilaafkaasi ku saabsan yahay kulankii amiirka kuweit iyo mashaariic loo gudbinayay amiirka, waxaana wararku intaas ku darayaan in madaxweynuhu qoray, laba mashruuc oo kala ah, aira borka garowe iyo deked eyl laga dhiso, halak uu ka carooday ilka jiir arintaas madaxweynuhu mashaariicda u dalbay degaanka reerkiisu dego.

Waxaana wararka aanu helayno sheegayaan in markii dame ganacsato reer puntland ah oo kulanka ka qayb gashay ay ku dhe dhexaadisay in laga dhigo airaborka garoowe iyo deked laga hir geliyo laas qoray taas oo la sheegay in ilka jiir ku qancay.

waxaana wararku intaas ku darayaan in madaxweynuhu kusoo laabtay dubai halka uusan la socon ilka jiir

Labada masuul ayaa ku loolamay madaxnimada puntland sanadkii 2009 halkaas oo jananka ilka jiir lagaga guuleystey waxaase jirta in madaxweynuhu safar walba uu u kaxaysto wasiirka ilka jiir oo ah wasiirka arimaha gudaha taas oo macneheeda la saari waayay.

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo