BEESHA BARIGA BURCO OO BAAQ KASOO SAARTAY GO AAMADII KASO BAXAY SHIRKII MAYGAGLE
Beesha bariga Burco, ayaa markii u horaysa ka hadlay go’aamo laga gaadhay shaqaaqadii Kalshaale ee dhexmartay beelaha Qorilugud iyo Buuhoodle.
Siday ku sheegeen qoraal dhawr qodob xambaarsan oo beeshu ka soosaartay magaalada Burco, waxay qaadatay go’aankii ergooyinka dhexdhexaadintu ka soosaareen shaqaaqada dhexmartay labada beelood ee walaalaha ah, wuxuuna qoraalkoodu u dhignaa sidan; “Waxaanu umadda u cadddaynaynaa weerarkii ka dhacay Maalintii Ciidul-Adxaa ee ay ku dhinteen dadka badan, isla markaana geystay dhaawaca badan, weerarkaas oo ay soo qaadeen Beelaha Buhoodle, kuna soo qaadeen tiro yar oo ka tirsan Beesha Qorulugud. Intaas ka dib, markii falkaasi dhacay waxaa shir isugu yimi Beelaha Habarjeclo oo isaga kala yimi deegaamadda Beeshu degen tahay, waxaana shirkaa kasoo baxay sidii colaadda loo joojin lahaa, loona xakamayn lahaa ardaagii weerarkaasi ku dhacay ee geystay dhimashadda iyo dhaawacaba, gurmadkaas oo ay wateen Salaadiin, Cuqaal, Culimo-Awdiin iyo Waxgaradka Beesha, waxaana laysugu tagey Qorulugud, wadahadal ka dib reer Qorulugud waxay waafaqeen in nabadgalyadda la adkeeyo.
Waxaa iyana gurmadkooda ku yimi Beelaha reer Somaliland oo ka kala yimi goboladda dalka oo dhan min Saylac ilaa Sanaag oo noogu yimi Qorulugud, kuwaasoo
ay hogaaminaayeen Salaadiin, Boqoro, Culimo-awdiin, Cuqaal iyo Waxgarad dadan.
Markii ay nala kulmeen waxay nasoo gaadhiisyeen tacsi, waxayna aad uga hadleen dhibtii ka dhacday meesha. Waxa kale oo ay na waydiisteen Xabbad-joojin, waana ka aqbalnay, ka dib markaanu qiimaynay iyagoo hawlahoodii iyo danahoodiiba soo dhigay safaro dhaadheerna soo galay, waxay u socdaana ay tahay inay Beelaha walaalaha ah Nabad dhex dhigaan, annagoo aad iyo aad ugu hambalyeynayna, uguna ducaynayna in Ilaahay Ajar weyn ka siiyo.
Intaas ka dib, waxay u gudubtay dhinicii Beesha Buuhoodle, waxaanay isugu yimaadeen Maygaagle. Waxa kale oo Ergada ku soo biiray ergo Puntland ka timi oo isugu jirta Garaado, Culimo-awdiin , cuqaal iyo waxgarad kale, iyaga laftoodana waxaanu ugu ducaynay in Ilaahay ka abaalmariyo dedeaalkaas nabadaynta ah ee sameeyeen, halkaasna waxaa ku midoobay labadii dhinac ee Nabad-raadiinta ahaa ee Somaliland iyo Puntland oo isku guddi dhexdhexaaad ah noqday.
Ergadaasi waxay Xabad-joojin waydiiyeen Beesha reer Buuhoodle, wayna ka aqbaleen. Intaas ka dib, guddidi waxay soo saareen oo Beelihii ku wargaliyeen in meesha lagu kala garqaadanayaa ay tahay Maygaagle iyo in ay ugu horayn labada dhinacba laga qaado dhaar min 25 Oday oo ah cida reeraha waxna u xidha, waxna u furta, waxaa lagu garnaqsanayaana ay tahay Shareecadda Islaamka, maadaama aynu nahay dad Islaam ah.
Guddidaasi waxay dalbadeen Culimo aqoon u leh Diinta Islaamka, kana dalbadeen Somaliland iyo Puntland. Ilaahay xamdigii way isu yimaadeen Culimadii halkaas ayay Ergadii oo midaysan ilaa Culimadii ku soo saareen go’aankii xukunka ahaa, go’aankaas oo soo baxay 8.12.2010, Waafaqsanaa 3.1.1432H.
Haddii aanu nahay Beelaha HabarJeclo iyo Dhulbahante waxaanu nahay dad walaalo ah, Ceel Caws, Miyi iyo Magaalaba wada degen oo ah isku nool isku dan ah.
Sidaas daraadeed, haddaanu nahay Beesha Habarjeclo waxaanu jecelahay in walaalahayo nala gartaan wixii noo dan ah, waxaanuna soo jeedinaynaa qodobadan hoos ku qoran;-
1-Waxaanu sidiisa u qaadanay kuna dhaqmaynaa go’aankii ay soo saareen guddidii dhexdhexaadinta ee ka so baxay Maygaagle 8/12.2010.
2-Waxaanu wadahadal la geli karnaa walaalahayo reer Buuhoodle marka ay si dhamaystiran u qaataan go’aankii ka soo baxay Maygaagle ee ku salaysnaa Shareecada Islaamka.
3-Waxaanu amaan iyo ducoba u soo jeedinaynaa Ciidanka Somaliland siday isu xilsaareen, una adkeeeyeen amaanka.
4-Waxaanu u mahadnaqaynaa cid kastoo arrintan Nabadaynta ah ka qaybqaadatay oo ay ugu horeeyaan ergooyinkii dhexdhexaadinta.”
BUHODLEPOST.COM
Marka hore aniga oo ah nin layidhaahdo C/xaafid waxaan halkan waxa aad kusoo qortay qoraagow aan idhi waxan wax aan kaa yeelayo maahane wax kale keen meesha sidoo kale waxaan ku odhan lahaa warka aad qorayso kala saaf oo wixii dani ku jirto qor runtana ka sheeg kkk
Waaryaahee ninkaagan qoray Qiraagana ah inaadeerow maahan inaad sidan wax tidhaahdo adigana dhibay kuu keenaysaa dadkana waxy ka cadhaysiinaysaa markaa waxaan ku idhi ninkaagan uathorist ahi khibrad uma lihid inaad wax ka qorti\o website ee iska cunoo caboo seexo arinkan kalshaale arin aad ka hadli kartdi maahan adiga iyo aabahaaba ka wayn markaa dhiiga hanagu kicin …
asc war anagu waxannahay wariyayaal mana qorayno waxad doonaysaan idinku baaq kastana waxan xaq u leenahay ina soo dayno wixii aad doonaysana waa xceeb inad xanaaqdan