|

Ronaldo oo wiil 5-sano jir ah helay

Xiddigii hore ee Brazil Ronaldo ayaa sheegay in tijaabo xagga DNA –da ay cadeysay in uu Aabe u yahay wiil 5-sano jir ah.,Ronaldo fariin uu soo dhigay habeen hare bogiisa uu ku leeyahay Twitter: “wuxuu ku yiri Alex waa wiilkega wuxuuna ku biiri doonaa 3 caruur ah oo aan horey u dhalay.”

Ronaldo, oo qorsheynaya inuu hal sano oo kale u sii ciyaari doono Corinthians inta uusan ciyaaraha ka fariisan, ayaa horey wuxuu u dhalay hal wiil ah iyo 2 gabdhood.

Saxaafadda gudaha ee dalka Brazil ayaa sheegtay in Alex hooyadiis oo la yiraah Michele Umezu, oo ah gabar dhar xayeeysiisa oo reer Brazil  ah ayaa waxey markii ugu horyesay Ronaldo kula kulantay Tokyo 2002 xilligaasoo ay halkaasi ku nooleyd, waxaana la sheegay in dhowr habeen hotel dalkaasi ku yaala ay isla jiifteen.mar kale ayeey halkaasi kula kulantay Ronaldo 2004 isagoo la socda Real Madrid

 

buhodlepost sports

Fikrad Ka Dhiibo