Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Cuqaasha Buhoodle.
Shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen wax garadka Buuhoodle ayaa lagaga tashanayey xaalada ka aloosan baliga kalshaale oo ay horey ugu dagaalameen beelaha bariga burco iyo buuhoodle.
Shirkaas oo ay fadhiyeen madax –dhaqameedka Buuhoodle ay ugu horeeyaan issimada ,cuqaasha ,aqoonyahanada iyo qaybaha kale ee bulshada waxaa laga wada hadlayey qaabkii loo wajilahaa colaada kalshaale.
Shirkan oo ay ka muuqatay shucuur colaadeed ayaa gebagabadii laysku raacay qaabkii lagu wadilahaa arimaha taagan,waxaanaka soo baxay qodobo ay ka midyihiin in loogu baaqo nabadgalyo beesha Burco iyo in ay lama taabtaan tahay lahaanshaha baliga kalshaale iyo waliba in ay Buuhoodle tahay goob nabad galyo oo aysan ahayn meel saldhig u ah dad nabadiidka.
Mas’uuliyiin ka soo jeeda beesha bariga Burco ayaa marar badan ku celceliyey in magaalada buuhoodle ay hoy u tahay kooxo nabada ka soo horjeeda mas’uuliyiintaas oo isugu jira mas’uuliyiin dhaqameed iyo mid siyaasadeed oo ay ka midyihiin Cismaan Aw-Max’uud Buurmadaw, Faysal Cali waraabe iyo Saleebaan gaal,saleebaan max’ed Aden oo ah gudoomiyaha golaha guurtida maamulka Siilaanyo wuxuu ka soo jeeda beesha bilowday collaado kalshaale iyadoo loo aanaynayo inuu yahay qofka ka dambeeya hurinta collaada kalshaale.
Gabagabadii shirkaa ayey odayaashu waxay qabteen shir saxaafadeed ay u qabteen warfidiyeenada gobalka Cayn iyo kuwa caalamiga ah,waxaan war-saxaafadeedkaas ka hadlay Caaqil C/laahi Max’ed Aadan Caws(Hindi) iyo Caaqil C/raxmaan X. Axmed X. diiriye (Olol) Dhagayso Caaqil Cabdillaahi Max’ed Aadan (Caws)
Dhagayso
Sidoo kale Dhagayso Caaqil Cabdiraxmaan X.Axmed X. Diiriye oo Nuqul kamida Go’aamadii saxaafadda u akhrinaya
Dhagayso
Buhodlepost.com