MAQAAL:- Walalayaal waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa, kalmado kooban oo ku saabsan FADLIGA SOONKA MAALINTA TOBONAAD EE BISHA AL-MUHARRAM.
oo ah bisha koowaad ee sanadka HIJRIGA..oo aan hadda kujirno.
MUNAASABADDA SOONKEEDA:
Waa maalintii uu Allaah ka badbaadiyay NABI MUSSE عليه السلام iyo qoomkiisa shartii Fircoon, marka shukri alaah dartiis ayaan usoomayna malintaasna waxay ahayd maalinta 10aad ee bisha Al-muharaam.
FADLIGA CASHURA: Nabiga صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ Mar lawaydiiyay soonka maalinta 10aad ee Al-muharram waxa uu ku jawabay: ” waxaan Allaah kaga ajar dalbayaa inuu ii dambi dhaafo sanadkii ka horeeyay””
عن أبي قتادة رضي الله عنه قال : سُئل النبي صلى الله عليه وسلم عن صيام يوم عاشوراء ،
فقال : إني أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله . رواه مسلم Dunuubta la isku dhaafayo waa kuwa yar-yar (al-siqaar) qofkii uu ka dhacay dambi wayn oo (kabiira) waxaa looga baahanyahay inuu Allaah tawbad(dambi dhaaf) dhab ah ula yimaado inta uu haysto fursada oo aysan kadin geeridu!!..Allaah hanoo dambi dhaafo amiin..
MARTABADAHA SOONKA CAASHURA:
1-Sida ugu Dhameystiran: Waa in lasoomo maalin ka hor ama maalin kadib caashuuraa,oo
ah soonka maalinta 9aad iyo 10aad iyo 11aad.
2-Sida ku xigta: Soonka 9aad iyo 10aad.
3-Sida ugu hooseysa: Soonka 10aad oo kaliya.
WAKHTIGA AY KU BEEGANTAHAY :
Maalinta 9aad: Arbaco 15.12.2010
Maalinta 10aad: Khamiis 16.12.2010
Maalinta 11aad: Jimce 17.12.2010
FAA’IIDOOYIN KOOBAN:-
1- waxaa fiican oo mustaxab ah in loosoomo soonka maalinta caashuura,kudayasho lagu
dayanano NABIGA “صلى الله عليه وسلم ”
2- maalintaan waxaa soomay NABIGA (scw) iyo saxaabadiisa waxaa kaloo hortood soomay
NABI MUUSE.
3- waa maalin fadli wayn leh.
4- waxaa fiican in maalinta caashuura maalin kahor ama kadib laasoomo, khilaaf la
khilaafayo YUHUUDA, oo ayagana maalintaan soomi jirtay.
5- Intaan ayaa kusoo aroortay fadliga maalinta”CASHURA”, wax kale oo fadli ah ama camal kale oo lasameeyaa kuma sugnaan SUNNADA NABIGA(SCW).
Marka waxaa reeban oo BIDCA AH waxa ay sameeyaan dadka loo yaqaan “RAAFIDAH” ama “SHIICA” oo ah is dil iyo is mindiyeen iyo wixii la mid ah, waxaasna ma aha wax diinta ku banaan ama uu ALLAH iyo RASUULKIISU na amreen, qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu ka dhawrtoonaado wax walba oo khilaafsan diinta Allaah uu kusoo dajiyay NABI MUHAMMAD(SCW), ayna tahay inuu raacdo jidkuu uu NABIGA(SCW) ujideeyay ummaddiisa ahna jidkii ay raaceen saxaabada iyo salafkii suubanaa Allaah haka raali noqdee dhamaantood.
6- Maalintaana waa fadli Allah uu nagu manaystay inuu nooga dhigay soon maalin qura dambi dhaaf sanad oo dhan, qof walowba waxaa ku deg-degtaa ka faa’iidaysiga maalintaan, kuna bilow sanadkaaga cusub (1433 HIJRIGA) daacada Allah iyo ku tartanka khayraadka. Allah hanaga dhigo kuwii laga aqbalo camalkooda kiisa wanaagsan..aamiin aamiin aammiin.
Wabillaahi Tawfiif, Wassamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
ALLE SW SAREEYE KELIGIIS BAY MAHAD DHAMAANTEED U SUGNAATAY
www,buhodlepost.com
waan aad ugufaraxsanahay maxaadarada sh. cabdinaasir khayr aalle hasiiyee uu inoosoojeediyay inagana hadaynunahay rer lascaanood iyo umada soomaliyeedba waynukumahadinaynaa allena waxaynu kabaryayna inuu inugu anfoco waadmahadsantihiin allenaha inoocaafiyo shiikheena