BEESHA SAMAROON OO SICAD UGA HADASHAY DULMIGA LAGA WADO DEEGAANKA CEEL BARDAALE IYO DULANKA CAD EE SNM KU SOO QADAY GOBOLKA AWADAL
Odoyaasha iyo Waxgaradka reer Boorama ayaa maanta ka hadlay shaqaaqooyinkii dhawaan kasoo cusboonaaday deegaanka Ceel-bardaale oo ay isku hayaan Dadka kasoo jeeda degmooyinka Gabiley iyo Dila.
Waxaana arintani ay soo noqnoqoneysay muddo dheer, taasi oo waqti dheer soo jiitameysay ilaa iminkana muran ka taagan yahay, dad badana ku waxyeeloobeen colaadaasi labada beelood ka dhaxeysa.
Odoyaasha iyo Waxgaradka maanta kulankan isugu yimid ayaa ku eedeeyay xukuumadii hore ee Riyaale inay wax ka qaban weyday arintaan, waxeyna ka codsadeen Xukuumada cusub inay talaabo wax loogu qabanayo colaada Ceel-bardaale laguna badbaadiyo ummada deegaankaasi ku wada nool.
Waxaa isagu halkaasi ka hadlay Maxamed Xuseen Bulaale wuxuuna yidhi {soomalida waxaanu u sheegaynaa oo aanu fahansiinaynaa in aanay jirin wax isku haysta ceel bardaale ceelbardaale maaha meesha uudagaalku ka socdo ee ceelbardaale waxaweeyaan ceelka reer xareed ay ka cabaan ee cigaal dhutiye layidhiaahdo weeyaan cid ku haysatana ma jirto laakiin gobalkan Awdal meel layidhaahdo ceelbardaale majirto manaanu maqal waxa arinkan la isku qaldaayo ka danbeeyaa ina waa janankan ciidamada iyo faamaligiisa hadii lawaayo cid wax ka qabatana waa la iska celin oo waa la iska celiln waxaa kale oo jirta in uu faamilkiisii uu soo ururiyay oo uu askarta keenay taasina waanu ognahay oo waanu iska celin
Daawo Beesha Samaroon oo ka qeylisay Duulaanka SNM ka wado Dhulkooda: