Boqoliiba 55% Muqdisho gacanta ayaan ku haynaa
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya dr C/kariiin Xassan Jaamac ayaa xarunta Qamramada Midoobay ee magaalada New York uga warbixiyay xaaladda magaalada Muqdisho iyo hourumarka dowladda uu qeybta ka yahay ka wado caasimadda.
Waxa uu sheegay in in ka badan boqolkiiba 55% magaalada Muqdisho ay gacanta dowladda ku jirto islamarkaana ay wadaan qorshe ay gacanta dowladda kusoo galinayaan guud ahaan caasimadda.
“Boqolkiiba 55% magaalada Muqdisho gacanteena ayay ku jirtaa, dadka Muqdishana boqolkiiba 70-80% waxa ay dagan yihiin goobaha ay dowladdu gacanta ku hayso”, sidaa waxaa yiri wasiirka warfaafinta C/kariin Jaamac.
Halkan ka daawo hadalka wasiirka:
Waxa uu sheegay in inta badan goobaha ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka yihiin goobo laga qaxay oo haawanaya islamarkaana laga cabsanayo lamadagaana ah.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada isbuuca dambe meel marin doonaan Golaha Amaan ee lagu gaarsiinayo tirada ciidamada AMISOM 12-kun oo askar ay sahli doonaan in gacanta lagu dhigo guud ahaan dalka.
Dhanka kale saraakiisha AMISOM ee ka howl gala magaalada Muqdisho ayaa iyana horay uga warbixiyay xaaladda magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in boqolkiiba 60% magaalada Muqdisho ay ku jirto gacanta ciidamada AMISOM iyo dowladda federalka.
Waxa ay soo bandhigeen qariirada Muqdisho oo ay ku muujiyeen halka ay ku sugnaayeen kooxaha mucaaradka ka hor inta aysan soo qaadin weerarkii ay ku fashilmeen bishii Ramadaan (September) kaasoo boogo badan looga qabsaday.
Qariirada aad aragtaan waxa ay muujineysaa goobaha ay horay ugu sugnaayeen iyo halka ay iminka ku sugan yihiin kooxaha mucaaradka (xariijimaha cagaaran waa halkii ay horay u joogeen, kuwa guduudana waa halka ay iminka joogaan).
email buhodlenews@hotmail.com
c/ kariin waxad tahay siyaasi haysta taageerada dadka shacabkiisa waxan ka rajaynayna ind umadabn somaliyeed u gargari doontan adiga iyo aqoonyahanada ku jira dawladadaba gul ban idin rajaynaynaa