|

BUUQ IYO IS QABQABSI KADHACY XARUNTA UN EE QARAMADA MIDOOBAY

Wararka ka imaanaya xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ayaa sheegaya in siyaasiyiin soomaaliyeed isku qabsadeen halkaasi, taasoo ugu dambeyn kaliftay in loo yeero ciidamada amaanka.Siyaasiga lagu magacaabo Ciid Beddel (sawirka) ayaa la sheegay in loogu yeeray booliska kadib markii uu soo xaadiray shir xarunta Qaramada Midoobay ka dhacayay kaasoo aan loogu talo galin in uu goob joog ahaado.Ciida Beddel ayaa dhankiisha ku adkeystay in uu soo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mr. Oomaar islamarkaana uu xaq u lee yahay in uu goob joog ahaado shir kasta oo ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay.Siyaasiyiinta kale ee soomaalida islamarkaana ku dhaganeyd Ciid Beddel ayaa iyana ku andocooday in Ciid uu waqtigiisu dhacay islamarkaana “Somali Mission” uusan shaqo ku laheyn.

Si kastaba is-qab-qabsigan soomaalida ayaa si weyn looga dareemay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York taasoo ay ugu dambeyn soo farageliyeen booliska.

Joornaalistayaasha qaar ee ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ayaa u dhigay xiisadan soomaalida ku dhex martay xarunta UN-ka mid ay kasoo xawileen caasimadooda qariban ee Muqdisho iyadoona erayadii ingriiska ee loo adeegsaday xiisadan loo qoray sidatan:

“The chaos of Mogadishu, then, is echoed in Manhattan”

Ciid Beddel ayaa ah siyaasi dowladdii C/laahi Yuusuf iyo Geedi u qaabilsanaa dhanka xarunta Qaramada MidoobayWWW.BUHODLEPOST.COM

EMAILBUHODLENEWS@HOTMAIL.COM

Fikrad Ka Dhiibo