|

UGU YARAN 5 QOF INTA LA HUBO AYAA KU DHINTAY SUUQA BAKARAHA KADIB MARKII AMISOM MADAAFIIC LA BEEGSADEEN GOBAHA GANACSIGA

Ilaa iyo 5 qof ayaa shahiiday 8 kalane dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii ay madaafiic ku soo hoobatay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Goob jooge ku sugnaa suuqa Bakaaraha xiligii ay madaafiicdu soo dhacaysay ayaa Warsidaha buhodlepost  u sheegay in uu Indhihiisa saaray maydadka ilaa iyo 5 haween ah oo xiligaasi ku ganacsanayay agagaarka carwa Leymoon.

Ciidamada  AMISOM ayaa waxay gudaha suuqa Bakaaraha ku dhifteen ilaa iyo 4 madfac oo ah nooca PM-ka loo yaqaan, xiligii ay madaafiicdu soo dhacaysay ayay shacabku ku guda jireen howllo ganacsi oo aad u xoogan.

 AMISOM ayaa ku caan baxay madafiic an loo meel dayeyn tasoo galafatay  inta badan dadka shacabka Muqdisho mana jirto cid shacabka ka difaacaysa  dadkaasi shacabka ah    kooxha islaamiyiinta ahna wxaay gabad ka dhiganayan guryaha ddaka shacabka ah tasoo keentay in ay ku nafwayan kumanan aan waxba galabsan rasasta lays waydaarsanayo sacadaha dagalka socdo

buhodlepost.com

emailbuhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo