|

Byee Byee Sh/Hoose oo noqday Xulkii ugu horeeyay ee Boorsooyinkooda xirxirtay (Gobolada Banaadir Iyo Sool Oo Barbaro Galay)(Wararkii ugu dambeeyay ee Ciyaaraha Gobolada ee ka socday Caasimada Garoowe ee Maamulka Puntland-State)

Ciyaarihii gobolada oo maanta galay wareegii labaad ee groupyada laguna qabanayey Magaalada garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland-State ayaa waxaa ciyaartii dhex martay kooxaha Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose ee ka tirsan Groupka A ay ku dhamaatay 3 – 2 oo guusha ku raacday xulka Hiiraan waxaana sidaasi ku hartay xulka gobolka Shabeelaha hoose oo noqday xulkii ugu horeeyay ee tartankan ka hara.

Groupka A oo 3 kooxood kaliya ku jiraan ayaa waxaa ka soo baxay xulalka Nugaal iyo Hiiraan oo 3 dhibcood leh islamarkaana ciyaaray hal kulan kaliya halka xulka shabeelaha hoose uu wax dhibic ah la imaan iyagoo ciyaaray kulankoodii ugu danbeeyay ee labaad taasoo sababtay inay isaga haraan tartankaan xiisaha badan.

Sidoo kale waxaa la ciyaaray kulan ka tirsanaa Groupka B oo ay wada ciyaareen xulalka Sool iyo Banaadir, tasoo ku soo idlaatay bar bar dhac  1- 1 waxaana barbareeyay ciyaarta xulka gobolka banaadir, waxaana goolkaasi ka taagna buuq badan taasoo sababtay inay xulka gobolka sool ku hanjabaan inay isaga baxaan tartanka lakiin ciyaarta ayaa lagu xukmiyay 1 – 1.

Groupka B ayaa haatan waxaa hogaanka u haya labadan kooxood ee Banaadir iyo Sool oo leh min labo dhibcood, iyadoo berri ay ciyaari doonaan mudug iyo Gedo kuwasoo min hal dhibic leh kooxdii badisana laga yaabo inay u soo baxdo wareega xiga ee koobkan gobolada

Fikrad Ka Dhiibo