Farmaajo: “Waanu baadi goobaynaa Hantida Caalamka nagaga maqan”
Raysal-wasaraha Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa sheegay in loo baahanyahay in dib loo baadi goobo Hantididii ay lahayd dawladdii hore ee dalkaas.
Raysal-wasaaraha dawladda kumeel-gaadhka ah oo ka qaybgalay munaasibad loogu talogalay dib-u-helista guriga safaaraddii Soomaaliya ee Nairobi, waxa uu soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Kenya ka gaadhay dacwaddii dhismahaas.
Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan mas’uuliyiinta labada gole ee dawlada iyo martisharaf kale, waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya Maxamed Cali Ameerika, wuxuuna ka warbixiyay qaabkii ay u suurogashay in mar kale dib loo hanto dhismihii safaarada Soomaalidu ay ku lahayd magaalada Nairobi iyo marxaladihii loo soo maray in dhismahaasi dib ugu noqdo gacanta dawladda Soomaaliya.
Wasiiru-dawlaha Khaarajiga ee TFG Mr. Maxamed Cali Xaamud oo ka mid ah mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay, waxa uu tilmaamay inay jiraan hanti badan oo dalalka caalamka kaga maqan Soomaalida, isl markaana loo baahanyahay in wasaaraddaha arrimaha Dibadda iyo Maaliyaddu ay u hawlgalaan sidii dib loogu soo celin lahaa hantidaas oo uu xusay inay noocyo badan isugu jirto.
Ugu dambayn, Raysal-wasaare Farmaajo oo hadal kooban ka jeediya munaasibaddaas, waxa uu u mahadceliyay safiirka Soomaaliya u jooga Kenya oo uu xusay inuu dedaal u galay helitaanka guriga safaaradda ee Nairobi, wuxuuna balanqaaday inay xukuumaddiisu ku dedaali doonto sidii ay u soo ceshan lahayd dhamaan hantida Ma-guurtada ah ee Soomaalida kaga maqan dalal kala duwan.
www.buhodlepost.com
emailbuhodlenews@hotmail.com