|

MADAXWEYNE ALL BASHIIR, HADII KOONFURTO NAGA GODO DALKA SUDAN WAXAN KA IRGALINDOONA KUDHAQANKA SHARCIGA ISLAAMKA

Madaxweynaha dalka Sudan Jen. Cumar Xasan Axmed Albashiir ayaa shalay mar uu gaaray gobolka Qadaarif oo ku yaala bariga sudan ayaa qudbad uu ka jeediyay wuxuu ku sheegay in gebi ahaanba dalka Sudan lagu xukumi doona shareecada islaamka haddii ay dhacdo in ay goostaan koonfurta dalkaas.

Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in dastuurka dalkaas ay bedeli doonaan, shareecada islaamkana ay noqon doonta mida gebi ahaanba lagu xukumaya dalka sudan sidoo kale wuxuu sheegay luuqadda rasmiga ah in ay noqon doonta afka carabiga maalamaha fasaxyadana ay sidii hore kusoo noqon doonto oo maalinta jimcaha ay noqon doonta maalinta sida rasmiga fasax u ah dalkaas.

Heshiiskii ay wada gaareen 2005 ta dhaqdhaqaaqa SPLM iyo xukuumadda Sudan ayaa waxey keentay in wax badan laga bedelo dastuurka sudan iyadoo la sheegay in caasimada dalkaas ee khartoum ay tahay meesha sida rasmiga ah leysugu xukumaya Shareecada islaamka meelaha kalana loo fiirinaya qof walba diinta uu heysta , luuqadda 1aad ee dalka ayaa noqneysay afka englishka sida uu qorayay heshiiska labada dhinac iyadoo fasaxyada dowladana laga dhigay maalmaha axadda iyo Jimcaha si loo tix geliyo diimaha kala duwa ee dalkaas heshiiska dastuurkaa ayaa ku ek July sanadda 2011.

Albashiir ayaa sidoo kale sheegay in haddii ay goostaan koonfurta ay sax tahay in ay la go’ayaan qeybaha ugu badan ee batroolka sudan balse wuxuu tilmaamay in shidaalka waqooyiga uu noqon doona mid kabadan kan koonfurta xilliyada soo socda, wuxuuna intaasi ku daray koonfurta sudan waa qeyb muhiim u ah sudan lakiin taas macneheedu ma ahan hadii ay goostaan in ay tahay dhammadka dunida.
sidoo kale wuxuu sheegay Albashiir in sudan ay noolayeen ka hor shidaalka islamarkaana aanay dhib u keeneynin haddii koonfurta ay la go’aan batroolka dalkaas .
www.buhodlepost.com

xafiiska  wararka ee juba sudan

Fikrad Ka Dhiibo