|

Manchester oo maalqabeeno carab ah la wareegayaan

Qoyska Xukuma dalka Qadar ayaa qorsheynaya in ay iibsadaan naadiga Man United ee horyaalka Ingiriiska ka dhisan.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in lacag dhan 1,5 bilyan oo gini istarliinka ay ku doonayaan qoyskaan uu hogaamiyo Raisul wasaaraha Qadar Sheekh Xamd Bin Xaasim in ay ku iibsadaan United.

Qoyskaan xukuma Qadar ayaa horay u helay xuquuqda daryeelka funaanada Barcelona .

Man United oo haatan ay leeyihiin ganacto Mareykan ah kuwaasi oo 2005- la wareegay United ayaa haatan dhaliilo kala kulmaya taagerayaasha kuwaasi oo ka careysan daymaha ku aruuray kooxda.

Naadiga Man City ayaa waxaa haatan iska leh hantiile reer Imaraad ah kaasi oo lagu magacaabo Sheekh Mansuur Bin Saydaan Al-nahyaan .

Xigasho: Alcarabiya.com

Fikrad Ka Dhiibo