|

Oomaar oo ku fadeexoobay Gibinka uu Abtiga u yahay (Qormo-Xasaasi ah oo dhab ah

War hee dhahaya, soow horey looma oran cagta joogsan weydaa mar beey ceeb la kulantaa? Fudeedka cajiibka ah iyo amar ku taagleeynta lagu yaqaan Wasiir Maxamed Cabdillaahi Oomaar baa si wanaagsan u soo shaac baxay.

Bal in yar aan dib u jalleecno. Wasiir Maxamed Cabdillahi Oomaar gormee buu siyaasada ku soo bireey? Halkee buu ka dhul bilaabey? Halkeese buu ka tiirsan yahay?

Maxamed Cabdillahi Oomaar wuxuu ka mid ahaan jirey koox aqoonyahano iyo ganacsato ka hawlgasha carriga Ingiriiska oo sida adag ugu ololeeya goosashada iyo aqoonsiga Soomaaliland. Wuxuu geed gaaban iyo mid dheer u fuulay in loo doorto Madaxweeynaha Soomaaliland.

Dhinaca kale marka laga eego Maxamed Cabdillahi Oomaar waxeey si hoose isu xigaan Marwo Khadra Maxamuud Xeeyd oo ah Haweeneyda u dhaxda Madaxweeyne Ismaaciil Cumar Geelle ee Jibuuti.

Qof kaste oo u dhuunduleela arrimaha DFKMGS wuxuu ogsoon yahay in Marwo Khadra Maxamuud Xeeyd ay Madaxweyne  Shariif Joker ku amartey in uu Maxamed Cabdillahi Oomaar u magacaabo Wasiirka Arrimaha Dibedda.

Wasiir Oomaar iyo Raisul Wasaarihii hore Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Shermaarke mudo yar ka dib beey isku dheceen. Sabab? Asagoo aan Raisul Wasaarihiisii kala tashanin wuxuu warqad rasmi ah u qorey Boqortooyada Sucuudiga taas uu ku amrey in xoolaha Soomaaliyeed laga dhoofin karo dekeda Jibuuti oo qura maadaama dalka Soomaaliya oo dhan ay ka jirto xasilooni daro baahsan iyo cuduro fara kulul ku haya xoolaha Soomaaliyeed. Cajiib! Ma Wasiir Jibuuti buu is moodey?

Teeda kale maba qarsan jirin sida uu ugu xirnaa Shariif-Joker uuna u dhinac mari jirey Mudane Cabdirashiid Cali Shermaarke. Bal adba! Bal eega inta ay la egtahay awooda Marwo Khadra Maxamuud Xeeyd. Jibuuti oo qura uma taliso, waxeey ku darsatey Soomaaliya!

Hadaba ka dib marka laga takhlusey Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Shermaarke, Maxamed Cabdillahi Oomaar wuxuu geed gaaban iyo mid dheer u fuuley in loo magacaabo jagada Raisul Wasaare. Aa la tahay! Nasiib daro waxaa ciiley nidaamka awood qaybsiga loo yaqaan 4.5! Raisul Wasaare xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa xaal marin looga dhigey Marwo Khadra Maxamuud Xeeyd.

Horey baa loo yiri waano abuuris baa ka horeysey. Wasiir Maxamed Cabdillahi Oomaar fudeedka iyo amar ku taagleynta uu u dhashey baa hadiiba ka tan badisey. Raisul Wasaare Farmaajo buu wada tashi la’aan kula dhaqmey maadaama uu aaminsan yahay in uu Golaha Wasiirada ku fadhiyo awooda Marwo Khadra Maxamuud Xeeyd. Aa la tahay!

Maxaa iminka lagu haystaa Wasiir Maxamed Cabdillaahi Oomaar? Wuxuu damcey in uu dib ugu cesho Safaarada Soomaaliyeed ee New York gibin uu abti u yahay oo magaciisu yahay Ciid Beddel.

Ma xusuusan tihin sidii uu u bahdili jirey Danjire Cilmi Ducaale xilligii Xukuumadii Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Shermaarke? Wasiir Oomaar wuxuu la xiriiri jirey gibinka uu abtiga u yahay. Sidee baan ku ogaaney? Shirarka uu New York iyo Washington u tegi jirey wuxuu kexeesan jirey gibinka Ciid Beddel. Shirarka uusan tegi karin wuxuu wakiilan jirey gibinka uu abtiga u yahay.

Sawirka hoose Wakiilka Q.M Danjire Cilmi Ducaale bidixda, wasiirka warfaafinta C/kariin Jaamac midgta.

Suurta gal ma tahay? Ma xusuusan tihin shirkii lagu qabtey Baarlamaanka Mareekanka ee looga arrinsanayey arrimaha Soomaaliya? Shirkaas muhiimka ahaa waxaa si wanaagsan uga hadley Madaxweeynaha Puntland Mudane Faroole  iyo gibin Ciid Beddel oo wakiil ka ahaa abtigiis Wasiir Oomaar. Cajiib! Danjire Cilmi Ducaale oo New York ku sugnaa wuu caafimaad qabey wuxuuna ka gaabsadey in uu saxaafada la hadlo.

Hadaba maxeey noqotey tillabada ugu horreysa uu qaadey Wasiir Oomaar ka dib markii mar labaad loo ansixiyey jagada Wasiirka Arrimaha Dibedda? Gibinka uu abtiga u yahay buu damcey in uu xoog dib ugu celsho Safaarada Soomaaliyeed ee United Nationska.

U maleeyn mayo in Wasiir Oomaar uu ka war hayo sababaha iyo siyaabaha loo bedelo Safiirada!

Maxeey noqon kartaa sababta ama sababaha ka dambeeya go’aanka qar iska tuurka uu ku kacey Wasiir Oomaar?

Gibinka Ciid Beddel sida lagu yaqaan kama fiirsado mana ka xishoodo tilaabada uu qaado ama lagu amro.

Waxaa is weydiin mudan xataa haddii dib loogu celiyo Safaarada ka hawl gasha New York, Ciid Beddel beesha caalamka ma ka dhaadhicin karaa in xilka loo kordhiyo Shariif Joker?

Waxaa in badan uga sahlanaan in beesha caalamka uu ku qanciyo aqoonsiga madax banaanida Soomaaliland. Taas oo ah ula jeedada dhabta ah ee u qarsoon Wasiir Maxamed Cabdillahi Oomaar.

Lama  soo koobi karo fadeexada uu u soo hoyey DFKMGS waayo sida la wada ogsoon yahay waxeey ku taagan tahay aqoonsiga iyo taageerada Qaramada Midoobey oo qura. Dhoowr maalmood ka hor Wasiir ku xigeenka shidaalka wuxuu iskiisa u soo saarey go’aan uu dalka kaga ceyrinayo hay’ado caalami ah iyo kuwo ka tirsan Qaramada Midoobey. Raisul Wasaare Farmaajo baa ka daba tegey oo ku til maamay tilaabadaasi mid aan waafaqsaneeyn siyaasada Xukuumadasiisa.

Waxaan qiyaasayaa in uusan sahlanaan doonin xalka fadeexadaan caalamiga ah uu mas’uulka ka yahay Wasiir Oomaar.

Bal eega warbaahinta caalamiga waxa ay ka qoreen fadeexada Wasiir Oomaar?

http://www.innercitypress.com/som4cons121710.html

Teeda kale soow is weydiin ma mudna tabarta dhabta ah uu leeyahay Wasiir Maxamed Cabdillahi Oomaar? Sida la wada ogsoon yahay Raxmaanka ha u naxariistee Oday Cabdillahi Oomaar wuxuu ahaa ganacsade caan ah. Muqdisho wuxuu ku lahaa daaro kala duwan. Raisul Wasaare xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed kormeer ma ku tagi karaa mid ka mid ah hantida ma guurtada ah uu ka dhaxley aabihiis? Ma ka qaayb galey aaska aabihiis ee ka dhacey magaalada Hargeeysa? Jawaabtu waa maya! Sababtoo ah wuxuu sheeganayey Wasiirka Arrimaha Dibedda DFKMGS. Walaalkiis wariye Raage baa aabahood bud dhigey inkastoo uu Maxamed curudka reerka yahay. Walaashiis Raaqiya iyo ehelkooda oo dhan baa sidoo kale goob jooge ahaa. Wasiir Maxamed oo qura baa ka maqnaa!

Marwo Khadra Maxamuud Xeeyd baa ina adeerkeed Madaxweeynaha Soomaaliland ka ballan qaadey in Wasiir Maxamed Cabdillahi Oomaar oo ay eedada u tahay iyo gibinka ay habaryarta u tahay Ciid Beddel ka soo dhalaali doonaan ololaha aqoonsiga madax banaanida Soomaaliland. .

Ilko wadajir beey wax ku gooyaan! Gaar ahaan kuwa hoos ka wada xiriira!

Ma xusuusan tihin sida Jibuuti loogu soo dhoweeyey Madaxweeynaha Soomaaliland? Ballantu waxa weeye in si la mid ah Soomaaliland loogu soo dhoweeyo Boqorka iyo Boqorada Jibuuti oo la filayo in caanaha lagu shubo dhoowr bilood ka dib!

Ugu dambeeyn waxaa is weydiin mudan, Soomaaliland ma heli doontaa aqoonsiga caalamiga ay hamiyeyso? Shariif Joker, Wasiir Oomaar iyo Ciid Beddel habkee beey uga qayb geli doonaan caana shubka Boqor Ismaaciil Cumar Geele iyo Boqoradiisa?

xigasho shacabkamedia

Fikrad Ka Dhiibo