XOOGAGA ISLAAMIYIINTA OO CIIDAMADOODII LAYSKU DARAY KADIB WADA HADAL DHEX MARAY XARAKATUL SHABABUL MUJAAHIDIIN IYO URURKA XIZBUL ISLAAM
xarakatul Al Shabaabul mujaahidiiin iyo Xizbul Islaam ayaa shir ay maalinimaadi shalay ku yeesheen degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho la iskula qaatay in cuduuda ciidan ee labada kooxood meel la isugu geeyo.
Talaabadan ayaa uu sheegay afhayeenka Xisbigu in ay u qaadeen si labada kooxood meel uga soo wada jeestaan dagaalka ay kulka jiraan ciidamada dawlada iyo kuwa nabad ilaalinta Africa ee AMISOM.
Maxamed Cismaan Caruus ayaa sheegay in saraakiisha sare ee ciidanka Xisbul Islaam in ay isla qaateen in ay ku biiraan xoogaga Al Shabaab.
Afhayeenku waxa uu sheegay oo kale in goaankan la gaaray wadahadal labada dhan ay galeen ka dib todobaadyo colaado fara badani dhex mareen labada kooxood.
Al Shabaab ayaa xoog kula wareegay degaano fara badan oo Xisbiga hore gacanta ugu hayeen.
Madaxda labada kooxood ayaan ilaa iminka ka hadal heshiiskan shalay lagu gaaray Ceelasha Biyaha,khaasatan madaxa Xizbul Islaam Xasan Daahir Aweys oo aaney markan aheyn kolkii u horeysay ee laga kexeysto rag ay ururka ka wada tirsanaayeen.
www.buhodlepost.com
emailbuhodlenews@hotmail.com