Xulka Kubada Cagta Gobolka Mudug Oo Ku Durduriyey Gobolka Gedo
Waxaa ciyaar aad u adag misana u xiiso badan maanta ay dhexmartey xulalka kubada cagta ee gobolada Mudug iyo Gedo, ciyaartaasi oo ku soo dhamaatey 1-0 hal gool iyo waxba oo ay guusha ku raacdey xulka kubada cagta ee gobolka Mudug.
Labadan kooxood oo ka wada tirsan Group B ayaa waxay ciyaartooda maanta ay ahayd mid kulul waxayna ka dhacdey Garoonka kubada cagta ee Mire Awaare Jaamac Garowe, halkaasi oo ay usoo daawasho tageen boqolaal dadweynaha magaalada Garowe ah oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Puntland.
Ciyaarta ayaa ahayd mi kulul oo weerar iyo weerar celis ahayd, waxaaana xulka kubada cagta gobolka Mudug ciyaaryahan daafac uga ciyaarayey la siiyey kaarka cas isla markaana Garoonka laga saarey kadib markii sida la sheegay uu aflagaado u geystay ciyaaryanahan kale.
Xulka kubada cagta gobolka Mudug ayaa helay gool ku laad kadib markii daafaca kooxda kubada cagta Gedo uu gacanta ku dhiftey kubada, waxaana gool ku laadkaasi tuuray lambarka 7aad ee xulka kubada cagta Mudug, isaga oo si toos ah u dhaliyay goolkaasi kadib markii uu shuuday shabaqa.
Ciyaarta ayaa lahayd fursado labada dhinac ah, waxaana in cabaar ah kadib fursad gool ku laad ah helay xulka kubada cagta ee Gedo, hase ahaatee kama aysan faa’ideysan oo way khasaariyeen, waxaana u tuuray lambarka 10aad oo fursadaasi lumiyey kadib markii goolhayaha xulka kubada cagta Mudug uu isku duubay banoonigii lagu tuuray ee gool ku laadka, halkaasi oo uu ku khasaarey.
Labada xul ciyaarta dhexmartey ayaa ku soo idlaatey hal iy ebar oo ay guusha ku raacdey xulka kubada cagta gobolka Mudug, waxaana kooxda Mudug ay leedahay afar dhibcood, maadaama horey ay u soo gashay barbaro ay la gashay xulka gobolka Banaadir.