|

Samuel Eto’o oo ku Guulaystay abaal Marinmada Ciyaaryihinimada Qaaradda Afrika Markii Afaraad‏

Xiddiga Wadanka Cameroon iyo koodxa Inter smauel Eto’o ayaa nasiib u yeeshey inuu noqdo xiddigii usu horeeyay ee ku guulaystay laacibka qaaradda afrika atar jeer.
 
Haddaba laacibkan oo 29 jir aha yaa soo zaraystay abaal marinta isaga oo koxda inter u horseeday inay noqoto  horyaalka talyaawsa, yurub iyo aduunka oo asbuuai aynu soo daatnay noqotay.
 
Samuel Eto’o ayaa atka u dhigtay xiddisihii la tartamayey oo kala ah ivory coast iyo chelsea Didier Drogba, iyo Asamoah gyan ghana. 
 
Samuel Eto’o Wuxuu Rikoor cusub u dhigay oo uu ciidda cunsiiyey abaal marinimada xiddigaha qaaradda afrika iyadoo horey min 3 jeer ugu guulaysteen xiddigii hore ee reer Ghana abedi pele iyo sooma geesti hii qaaradda afrika Goerge Weah.
 
Xiddigan Samuel Eto’o horay ugu guulaystay abaal marintan sanadihir 2003, 2004, 2005 iyo sannad kan 2010.
 
Wuxuuna Raaciyay oo uu yidhi markii la siiinayay abaal marinta oo ka dhacday magaalada qaahira waxaa sharf ii ah inaan ku guulaysto 4 jeer abaal marintan qaayah leh.
 
Abaal gudkan ee Samuel Eto’o oo dhacday habeenimadii isniintii ayaa waxaa u codeeyey 53 Tababarayaal oo ka socday qaaradda afrika.
 
Haddaba waxaan Akhiristatayaasha qaayaha leh halkan ugu soo qudbinayaa 12 sannoee ugu danbeeyay sidii ay abaal marintah qaayah badan loo kala guulaystay
 
1-1999-kii   Kanu, Nigeria
2-2000-kii   Patrick M’Boma
3-2001-kii   El Hadji Diouf, Senegal
4-2002-kii   El Hadji Diouf, Senegal 
5-2003-kii   Samuel Eto’o, Cameroon
6-2004-kii   Samuel Eto’o, Cameroon
7-2005-kii   Samuel Eto’o, Cameroon
8-2006-kii   Didier Drogba, Ivery Coast
9-2007-kii   F-Kanouta, Mali
10-2008-kii Emanuel Adebayor, Togo
11-2009-kii Didier Drogba, Ivery Coast
12-2010-kii oo u danbeeyey Samuel Eto,oo Cameroon

Fikrad Ka Dhiibo