Heshiis qarsoodi ah oo dhanka Ciidanka ku saabsan oo dhex maray dowladda Somalia iyo Shirkad shisheeye ah
Waxaa shaaca laga qaaday heshiis qarsoodi ah oo dhex maray dowladda KMG ee Soomaaliya iyo shirkad dhanka Ciidanka ka shaqeysa oo lagu magacaabo Saracen International. Kaasi oo hadafkiisu yahay in la tababaro Ciidamo ay dowladdu leedahay.
Heshiiskan oo mudooyinkanba hadal heyntiisu ay socotay ayaa si toos ah daaha looga rogay. Waxayna Saxaafaddu maanta faafisay warar ku saabsan arintaas oo laga soo xigtay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.
Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa heshiiskan gacantiisa ku saxiixay, waxaana dhanka Shirkadda u saxiixay mas’uulka dhanka howlgalinta u qaabilsan oo lagu magacaabo Mr Lafras.
Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Xussein Cabdi Xalane ayaa arintan Saxaafadda u sheegay. Wuxuuna intaas ku daray in howsha uu heshiisku wax ka qabanayo ay tahay in dowladda ay Shirkadan ka kaashato tababarida Ciidamada si ay uga hortagaan waxa uu ugu yeeray argagaxisada gudaha Somalia joogta, iyo sidoo kale in ay Shirkaddu dowladda ka caawiso adkeynta amaanka goobaha ay dowladdu maamusho gaar ahaanna meelaha lagu qabto munaasabadaha.
Shirkaddan ayaa iyadu ah mida fulinaysa heshiis lagu tababarayo Ciidamo bada ah oo ay dowlad gobaleedka Puntiland ka mas’uul tahay, waxayna arintan dambe kicisay dood ka dhex aloosantahay dhinacyo badan oo isugu jira Soomaali iyo shisheeya. Kuwaas oo shaki ka keenay qaabka ay howshan u socoto iyo cidda maal galinaysa.
aniga waxay ila tahy ina isaaqu iskaga noqdaan deeganada ay ku sii fidayaan ee aysan lahyn iyo waliba kuwa ay qabsadeen ee sool iyo sanaag hadii kale ay arki doonan cawaaqib ka ka dhashy wwaxyabaha noocaasa iyomwaliba habargeclo waxaan leenahy waxaan lahyn ilaa qorigulud ee sxbayaal maxad hadda noogula doodaysaan kalshaale ma inan waxayagii soo celinaad rataan hadda kolay waxaan filayaa waxaa waad ku qudra qadan kartaa wax ay idin ku digeen dhulbahante dhawan wa mid afeef u ah waxyabaha aad soo wadaa ee sxbyaal iska jooga aayar oo ku eekadaa dhulkii isaaqiya iidoor xasanow wwad mahadsantihiin fasal cali warabane waxaan leenahy faysaloo kolay dhaqan celisbaad tahyoo dhulkaa adukala garan mayside bal garo buuhodle cidda leh iyo cidda degta waxii taariikh lasoo maray iyo bal soo yaalka dib un raac fasalow waad iska hadashaa sasanad ku sheegata siyaasi e marka hore garo waxa siyasadi tahy sxb faysal iska hadlayoww ok waad mahadsantihiin