Shir lagu soo dhoweeyey Faadumo Sanwayne oo ka mid ah gudiga fulinta NSUM oo ka dhacay London 31/12/10
Shir lagu soo dhoweeyey Faadumo Sanwayne oo ka mid ah gudiga fulinta NSUM oo ka dhacay London 31/12/10
ALLAA Mahadleh Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigiisii Suubanaa Korkiisa ha ahaato(SCW).
Faadumo Sanwayne oo ka tirsan gudiga fulinta ee NSUM ayaa xalay kulan lagu soo dhoweeyey loogu qabtay magaalada London ee dalka Britain. Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen xubnaha NSUM ee UK iyo dadwaynaha SSC ee UK ayaa xogwaran dhinacyo badan taabanaya iyo xaalada dhulka SSC iyo doorka qurbajoogtu ka qaadan karto baadigoobka loogu jiro midaynta iyo xoraynta SSC lagu qaadaa dhigay.
Ugu horayn shirka waxaa furay Caaqil Muuse Cali Koore oo wacdi iyo waano u jeediyey goobgoogayaasha, wuxuu kale oo Caaqilku u duceeyey in ILLAAHAY dhibaatada ka dulqaado dalkii iyo dadkii.
Maxamud Caydiid Dirir oo shirka daadihinayey ayaa soo bandhigay qaabka soo dhowaynta iyo nidaamka shirku u socondoono oo isugu jiray casho sharaf iyo is xog wareysi.
Waxaa warbixin aad u dheer ka soo jeediyey Xasan Ciise, oo ka hadlay xaalada hada SSC ku sugan tahay, iyo in qaladaadkii dhacay wax laga barto is ururin horleh na la galo maadaama waxyaabihii laysku deyey dhamaan lagu guuldaraystay. Xasan waxaa kale oo uu ka hadlay doorkii NSUM ka qaadtay sidii kacdoonkii la galay looga midha dhalin lahaa haseyeeshee dad dano gaar ah lahaa ay shukaanteeda hayeen mar walbana ay ka leexinayeen wadada saxda ah ee guul lagu gaadhilahaa baaqyadii isdaba jooga ahaa iyo talooyinkii NSUM u jeedisay shacabka SSC, maanta ayaa dhaxalkeedii lahayaa, dadkii SSC Baa lakala qaybiyey isimadeedii baa xaaraan iyo xalaal loo kala saaray, hantidii xorayn in lagu bixiyo loo ururiyey ayaa la lunsaday, ciidan baan lahayn, dal horleh baa cadowgii loo gacangeliyey, waa taa maanta xitaa madaxweynayaasha raggii la baxay aan lahayn dal ay xoreeyaan iska daaye.
Faadumo Sanwayne ayaa lagu soo dhoweeyey hadalka halkaas oo ay ka soo jeedisay warbixin ku saabsan hawlaha joogatada ah ee ay hayaan gudiga fulinta ee NSUM iyo dagaalka caalamiga ah ee ay kula jiraan Soomaalidiidka iyo in ay wadidoonaan dedaalkaa ilaa uu midho dhalayo Soomaalidiidkuna ka hadhayaan sheegashada waqooyi anagaa leh, waxay kale oo faadumo tilmaantay in gudiga fulinta ee NSUM ay taageerayaan dariiqo kasta oo lagu midaynayo talada dadka SSC.
Axmed geele ayaa isaguna hadalo halkaa ka soo jeediyey ay ka mid ahaayeen arinta xoraynta iyo midayntu waxay ahayd mabdi’ii NSUM oo la afduubay, wuxuu kale oo axmed sheegay magaca SSC in uu yahay abtirsiinyo cid laga leeyahayna in aanay jirin.
Waxaa iyana halkaa wacdaro ka soo jeedisay Caasha Ciise Darmaan, oo dhaliil baahsan dusha uga tuurtay ragga SSC u dhashay, tilmaantayna in ay wax badan ka digtay siidii wax u socdeen khalad in loo sacab tumayana tidhi horaan uga digay.
Caasha ayaa ugu danbayn ku soo gebogebaysay raggow bal isu tagoo meel noo tujiya.
Canab Sulub oo ka hadashay goobta ayaa walaac wayn ka muujisay xaalada SSC ee maanta dhaliisha badankeedana saartay ragga, habluhu naf iyo maalba dalka way u hurayaane bal NSUM siyaasadda ha ku dhiirato qorshe SSC wax u tarayana ha soo bandhigto wixii hore oo dhan hungo baa laga joogaaye.
Intii shirku socday waxaa faadumo iyo xubnaha fulinta ee NSUM lagula dardaarmay in ay olole caalami ah u galaan sidii ay beesha caalamka iyo hayadaha deeqda bixiya ugu bandhigi lahaayeen biyo la’aanta iyo abaaraha ka jira caro SSC.
Guul iyo gobanimo
Eng. Maxamud Caydiid Dirir
London