Saadaasha Soomaaliya ee sannadka cusub (Qormo
malaysia 02, January 2011 (buhodlepost)- Sanad waliba hawl iyo, wuxuu hadimo leeyahay, yaa laga helaayo, hadhow lagu xasuustaa, kii noo hagaagee, noqo loo han weenyahay. Sidaas ayeeynu leenahay sanadka cusub ee 2011-ka oo laba casho jirsaday maanta.
Hadaba, waxaan soo afmeernay oo aan soo sagootinay sanadkii midkan ka horeeyay ee 2010 . Kaasi oo sida runta ah ka mid noqday Sanadyadii ugu dhibaatada badnaa umadda Soomaaliyeed ee ku nool dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya loo yaqaan.
Qormadan waxaan doonayaa inaan wax yar kaga hadlo waxyaabihi umadda Soomaaliyeed ay lasoo kulantay intii lagu jiray Sanadkii tagay. Wallow ay jireen waxyaabo wanaagsan oo ay umaddu heshay, hadana xumaha iyo dhibaatada ayaa ka badan.
Sanadka 2010 ee dhamaaday wuxuu ahaa Sanadkii 2-aad ee ay Soomaalidu gaar ahaanna dadka deggan Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku jireen jawi dagaal iyo barakac. Kaas oo ka dhashay colaadaha ay Alshabab Kooxda la yidhaa ee ka horjeeda dowladda iyo dowladdu hormuudka ka ahaayeen.
Sanadkii midka dhamaaday ka horeeyay ee 2009-ka ayaa isagu ahaa Sanad ay dadka Muqdisho ku baraarugeen kala carar iyo barakac. Inkastoo waqtigaas ka horba ay dadku dagaalo ku jireen.
Waxyaabihi ugu darnaa ee ay umaddu Sanadkan tagay la kulmeen waxaa ka mida, dagaalada oo maalin kasta si isdaba joog ah u soconayay, iyadoo aanay jirin wax horumar ah oo laga gaaray.
Cisbitaalada iyo meelaha dadka lagu daweeyo ayaa aad u buux dhaafay. Waxaana mar kasta la filanayay in dad dhaawacyo qaba iyo qaar dhintay la isugu keeno xarumahaasi maalin kasta.
Kuwa dagaalamay, ee Alshabab iyo AMISOM oo Ciidamada dowladda la safan, marna uma jixin jixin dadka dhibaatadu ay heysato. Waxayna mar kasto isku ridayeen madaafiicda calculus ee loogu tala galay dagaalada Xuduudaha ka dhaca oo ay gudaha Caasimada oo xaafado isku raran ahi ay ku yaalaan ku ridayeen.
Inta ku dhimatay dagaalkii Sanadkii 2010-ka kaliya dhacay waa ay ka badantahay Kun qofood. Waxaana taas sii dheer kuwa ku dhaawacmay oo illaa iyo iminka daweeyntoodu ay soconayso dhibaatooyin kala duwanna qaba.
Dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa Sanadkaas waxaa ka mida illaa 30-ruux oo rayid u badan oo maalin qura ku dhintay Muqdisho. Kuwaas oo iyagoo doonaya inay Salaadda Duhur dukadaan Qarax lala soo eegtay Masjid ay ku tukanayeen oo gudaha Suuqa Bakaaraha ku yaala.
Qaraxaasi aragtiyo kala duwan ayaa ka baxday. Inta badan dadkuna waxay aaminsanaayeen inay Kooxaha Islaamiyiniitu dhexdooda is qarxiyeen. Maadaama goobta la beegsaday ay ku badnaayeen iyaga oo Masjidkana xilliga lasoo weeraray uu ka khudbeynayay Sarkaal sare oo Shabaabka ka tirsan laguna magacaabo Sheikh Fu’ad.
Lama beenin karo in tiro badan oo Saraakiil iyo Askar isugu jirta kana tirsan Alshabab ay ku waxyeeloobeen Qaraxaasi. Hadana dadka rayidka ah ayaa ka badan. Illeen goobtu waxay ahayd meel Masaajid ah oo waqtiyada Salaadda xitaa kuwa meesha maraya ee aan kusoo leexan rabin qasab looga dhigi jiray inay soo galaan, isla markaana ay sugaan Salaadda marka ay dhamaato Khudbado joogto ah oo Saraakiisha Alshabab ay halkaas ka aqrin jireen.
Marka dhacdadaas laga soo tago waxaa kaloo iyana bishii Ramadaanka gudaheeda Qarax xoogan lala eegtay Hotel ku yaala Xamar Jajab ee Muqdisho oo lagu magacaabo Muna. Kaasi oo ay Xildhibaano, Saraakiil dowladda ka tirsan iyo Shacab fara badan ku dhinteen.
Illaa 40-qof dad kor u dhaafaya ayaa Qarax iyo weerar rasaaseyn ah oo Hotelka gudihiisa ay Rag hubeysan oo Alshabab ka tirsan ka fuliyeen ku dhintay.
Isla Bishaasi Ramadaan oo Taariikhda Miilaadigana ku beegan Bishii Augosto ayaa waxaa soconayay dagaalo joogto ahaa oo ay Kooxda Alshabab ku dhawaaqday inta Ramadaanka lagu jiro inay kaga saareyso gudaha dalka AMISOM. Dagaaladaasna waxaa ku qur baxay Boqolaal qof oo Soomaali Soomanayd ah.
Fal kale oo isna is miidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay 9-kii September ee Sanadkii tagay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Kaas oo dad isugu jiray rayid iyo askar dowladda ka tirsan iyo kuwo AMISOM ahba ku wax noqdeen.
Qaraxa ka dhacay Garoonkana waxaa fuliyay dhalinyaro gaari nooca Ciidanka ah iyo Dareeska Ciidamada dowladda kusoo labisatay oo gudaha usoo galay Airport-ka Xamar.
Si kastaba ha ahaatee dagaaladaas iyo qaraxyada ka dhacay gudaha Muqdisho Sanadkii tagay waxa natiijo ah oo ay usoo kordhiyeen dhinacyada is haya ma jirto. Walina magaladu waxay u kala qaybsantahay laba dhinac oo illaa iyo markii ay xiisaduu curteen oo dowladda Sheikh Shariif ay dalka timid Laba Sano ka hor ay u qaybsanayd.
Dhinac ka mida kuwa dagaalamayana kuma siqin dhinaca kale oo wali waa ay is hortaaganyihiin.
Laakin AMISOM oo ka hadlay dagaaladii Sanadkii hore waxay sheegteen inay meelo badan qabsadeen khasaarana u geesteen Alshabab.
Xaqiiqada marka laga hadlana warkaasi waa un sheego aan wax kale oo run ahi la socon. Waayo magalada qofkii ku sugan ayaa ogaan kara meelaha ay kala joogaan labada dhinac. AMISOM oo la sheego inay caawinayso nabadda Soomaaliyana tan iyo markii ay Alshabab banaanka usoo daahireen oo ay dagaalkooda bilaabeen waxay un ku ekeyd inay iska difaacdo weerarada joogtada ah oo Dhalinyarada Alshabab kaga yimaada. Wax weerar ah oo ay iyaddu qaadayna ma jiro.
Waxaana intaas sii dheer in dadka arimahan ku xeel dheer ayba saadaalinayaan in waqtiyada soo aadan hadii xaaladdu ay sidan sii ahaato laga yaabo in Alshabab ay la wareegaan meelo badan oo ay hadda dowladdu joogto.
Dhinaca kalena waxaan saadaasha laga sii saari Karin in dowladdu ay dhaqaaq milatari oo hor u socod leh samayso. Waayo madaxda dowladda maalmahanba waxaa laga soo xiganayaa inay jiraan qorshayaal dagaal oo wax badan looga badalayo xaaladda magalada.
Magalada hadda waxay dhanka dowladda ay ka joogto ku egtahay Jidka Maka Almukarama oo galo Madaxtooyada Villa Somalia illaa dhanka Madiino laga soo gaaro oo lagu yimaado Isgooyska Ex-Control Afgooye. Halka dhinaca kale ee Waqooyiga magaaladana ay dowladdu ku simantahay meelo kooban oo ka mida degmooyinka Cabdi Caziiz, Boondheere, iyo Shibis.
Sidoo kale wadada Warshadaha ayeey Ciidamo yar oo kuwa AMISOM ah kaga suganyihiin dhismaha Kuliyaddii hore ee JAALE SIYAAD. Iyadoo meelaha ku hareereysanna ay joogaan Alshabab iyo dagaalyahanadooda.
Shiirkole, Warshada Taraqa iyo Sigaarka, Illaa Ex-Control Balcad iyo inta kale ee kazoo hartay Muqdisho waxaa ku hoyda Xoogaga Alshabab oo si nabad galiyo lehna ugu dhex mushaaxo.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmahan dambe laga soo sheegaya inay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay ku damaacinayaan inay neefta isaga fujiyaan oo ay horay ugu sikadaan meelaha laga soo ciriirinayo ee ay Mujaahidiintu ku suganyihiin.
Si kastaba ha ahaatee Sanadkan cusub waxaa hubaal ah in xaaladdu ay sidan iska badali doonto. Waxaase la ogayn qaabka ay noqon doonto. Ma mid kan ka hagaagsan oo u dan ah umadda Soomaaliyeedbaa? Mise waxay arintu noqon doontaa KA DAR OO DIBI DHAL. Sida Soomaalidu ay yidhaahdaan.
Aqristow adigana bal saadaali xaaladdu sida ay noqon doonto Sanadkan cusub marka loo eego Somalia oo gud cur ku dhex jirta waqti aad u dheer?.
ILLAHAY AYAAN NABAD UGA RAJAYNAYNAA SOOMAALI OO DHAN IYO INTA AFKA SOOMAALIGA AH KU HADASHABA.
buhodlepost.co
emailbuhodlenews@hotmail.com